4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 13, 2016
Bashar Al-Assad oo ku Hanjabay inuu Suuriya oo dhan kusoo Celin doono Gacanta Xukuumaddiisa


Sabti, Feberaayo 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Suuriya, Bashar Al-Assad ayaa ku goodiyay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan mucaaradka uu uga qabsan doono Waddanka oo dhan, iyadoo Hadalkiisan uu kusoo beegmayo Xilli dhawaan ay burbureen Wadahadallo u dhexeeyay mucaaradka iyo Xukuumadda Dimishiiq.

Al-Assad oo Wareysi siinayay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sheegay in muddo fog ay Qaadanayaan Wadahadallada la doonayo in colaadda Waddankiisa lagu soo af-jaro, sidaas awgeedna uu go’aansaday inuu awood u isitmcaalo mucaaradka ka soo horjeeda.

Sidoo kale, Madaxweyne Assad ayaa iska diiday eedeymaha QM ee ah inuu galay dambiyo dagaal, isagoo xusay in eedeymahaas ay yihiin kuwo siyaasadeed oo aanay waxba ka jirin.

Bashar Al-Assad ayaa Wareysigan bixiyay saacado uun kaddib markii waddamo ay ka mid yihiin; Ruushka, Iiraan, Mareykanka & Sucuudi Carabiya ay ku heshiiyeen inay xoojiyaan wadahadallada u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumadda Syriya si loo soo af-jaro colaadda sannadaha badan ka socotay dalkaas.

“Maanta, waxaan rumeysanahay in horumar laga sameynay dhinacyada joojinta Colaadaha iyo bani’aadamnimada,” ayuu Shirka Munich ee Xasaradaha iyo Ammaanka Dunida looga hadlayo ka yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, John Kerry.

Isagoo hadalkiisa daba dhigay. “Waxaan ku heshiinnay inaan colaadaha Dunida ka socda, laga billlaabo toddobaad gudihiis ah oo ka billaabanaysa maanta.” Wuxuuna mar kale yiri. “Waxaan u bandhigaynaa arrintaan dhamaan dhinacyada isku haya Suuriya, marka laga reebo Daacish iyo Al-Nusra.”

Colaadda Suuriya oo socotay muddo Shan Sanadood ah ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 250,000 oo qof, iyadoo ay malaayiin qof oo kale ku barakaceen, kuwaasoo u kala firxaday dalalka Aasiya iyo Yurub.

Bashar Al-Assad ayaa ku eedeeyay Waddamada Yurub inay iyagu Mas'uul ka yihiin Dadka Qoxootiga ah ee ka cararaya Suuriya, isagoo ugu baaqay waddamada Yurub inay joojiyaan caawinta wuxuu ugu yeeray argagaxisada, Shacabka Suuriyana u ogolaadaan in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Suuriya ayaa Hadalkiisa wuxuu imaanayaa xillli Dowladda Ruushka ay gacan ka siinayso Xukuumaddiisa dagaalka uu kula jiro xoogagga mucaaradka ah ee ay taageeraan dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa Islaamiyiinta ah sida Daacish.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya