4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2016
Cayaartoyda xulka da’yarta Somalia oo Bar-barro la Galay Maanta Dhiggooda Qatar (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 12, 2016 (HOL) — Cayaartoyda xulka Da’yarta Soomaaliya ee 11-jirada ayaa maanta cayaartoodii saddexaad la yeeshay xulka dhiggooda ee Qatar, iyagoo la galay bar-barro 3-gool iyo 3-gool ah.

Kulankaan oo ahaa mid Xiiso badan ayay labada kooxood waxay kusoo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, iyadoo ugu dambeyn ay kusoo dhamaaday bar-baro, iyadoo Cayaartoyda Soomaaliyeed ay muujiyeen ciyaar-wanaag iyo xarfad aad u heer-sarreysa.

Mid ka mid ah goolasha ay dhaliyeen Xulka da’yarta Soomaaliyeed ayaa waxaa u dhaliyay ciyaaryahan C/raxiim iyo halka labada gool ee kale uu dhaliyay Laacibka, Cismaan Saalax Cabdi. Xulka Dalka Qatar ayaa waxaa Saddexda Gool u dhaliyay Axmed Hishaam oo ahaa Kabtanka kooxda Qatar, iyadoo goolashan lab aka mid ah ay ahaayeen Rigoorayaal.

Xulka Da’yarta Soomaaliyeed ayaa ka haray koobka Jeem ee Waddamada Carabta oo lagu qabtay Sannadkan Dalka Qatar, waxayna horay barbarro min Hal Gool ahaa ula soo galeen xulalka da’yarta Waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Cayaartoyda da’yarta Soomaaliya ayaa waxay ka socdeen Iskuulka Muqdisho, iyagoo lasoo laabanayo Guul-darro la’aan, isla markaana dhaliyay 5-gool Saddexdii kulan ee ay cayaareen.

Tartankaan oo ka kooban afar wareeg ayaa waxaa Guruub ama koox kasta oo ku jira isku Guruubka laga doonayaa inay kasoo baxdo hal koox, taasoo ka qaybgeli doonta wareegga labaad ee Tartankan.

Ugu dambeyn, Madaxa xulka da’yarta Soomaaliya metelayay Maxamed Cismaan Naastaro iyo taageerayaasha Xulka Somalia, ayaa waxay sheegeen in ay Cayaartoyda Da’da yare ee Soomaaliyeed ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya