4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2016
Dowlada Rwanda oo sheegtay inay Dal Sadexaad u Wareejinayso Qoxootiga ka soo jeeda Burundi


Jimco, Feberaayo 12, 2016 (HOL) — Dowladda Rwanda ayaa sheegtay inay qorsheynayso in Qoxootiga kasoo Cararay Colaadaha Burundi ee Waddankeeda ku sugan ay u Wareejiyo waddan saddexaad, kaddib markii lagu eedeeyay xukuumadda Kigali inay gacanta kula jiro colaadaha ka taagan dalka ay dariska yihiin ee Burundi.

Qorshaha cusub ee Rwanda ayaa la sheegay in uu saameyn doono 70,000 oo Qoxooti ah oo kasoo cararay colaadaha ka jira dalka Burundi, iyadoo Xukuumada Rwanda ay ku sheegtay hadalkeeda in howshan si dhaqso ah loo meel-marin doono.

Mareykanka ayaa dhawaan ku eedeeyay dowladda Rwanda inay hubeynayso Qoxootiga ka soo cararay dalka Burundi, si ay uga qayb-qaataan dagaallada looga hor-jeedo xukuumadda Bujumbura, inkastoo Xukuumadda Kigali ay eedahaas iska diidday.

Burundi ayaa waxaa ka jiray colaado illaa bishii Abriil ee Sannadkii hore 2015, Markaasoo madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku Dhawaaqay inuu u Tartamayo mar Saddexaad Xilka hoggaanka dalkaas, taasoo mucaaradku ay ka soo hor-jeesteen.

Weli ma cadda dalka ay Rwanda u doortay inay u Wareejiso qoxootiga dalkeeda ku sugan ee u dhashay dalka Burundi. Sidoo kalena Hay’adda Qoxootiga Dunida ee UNHCR ayaan iyaduna weli wax hadal kasoo saarin Tallaabadan.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Rwanda, Louise Mushikiwabo ayaa sheegtay inay wax lala yaabo tahay in Beesha Caalamka ay dalkooa ku eedeyso inay fara-gelin ku hayso Burundi, iyadoo colaadaha ka taagan Bujumbura ay khatar aad u weyn ku yihiin Amniga Dalkooda.

“Ma doonayo inaan dalkeenna ka joojinno Qoxootiga Burundi ee kasoo cararaya colaadaha ka taagan dalkooda, inkastoo xiisadaha ka jira dalkaas ay khatar weyn ku tahay Ammaanka dalkeenna,” ayay tiri Louise Mushikiwabo.

Ugu dambeyntii, Colaadaha ka taagan dalka Buurndi ayaa waxaa ku dhintay 400 oo qof tan iyo markii ay billowdeen Dagaallada, iyadoo ay ku Barakaceen 240,000 oo qof oo Qoxooti ah, kuwaasoo intooda badan ku nool dalka Rwanda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya