4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2016
Ganacsatada Muqdisho oo la faray inay Boorarka Ganacsiyadooda ka bedelaan Luuqada Ingiriiska


Jimco, Feberaayo 12, 2016 (HOL) — Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Ganacsatada ku  leh meheradaha magaalada Muqdisho kusoo rogay amar ah inay beddelaan boorarka ay ku qoran yihiin Af Ingiriiska, si loo ilaaliyo Afka Soomaaliga, sida uu afhayeenka maamulku u sheegay Warbaahinta.

Goobaha ganacsi, iskuulada, xarumaha caafimaadka, Jaamacadaha iyo Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa boorarka u xiran ku qoran luuqada Ingiriiska, marka laga reebo goobo kooban oo ay ku qoran yihiin Af Soomaali ama luuqado kale sida Carabiga.

“Dadka leh ganacsiyada Muqdisho waxaa looga baahan yahay inay bedelaan boorarka lagu qoray Luuqadda Ingiriiska ee Ganacsiyadooda ku xiran. Amarkana waa mid lagu difaacayo Horumarinta Afka Soomaaliga,” ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane Khamiistii shalay ahayd la hadlayay Warbaahinta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo ka mid ah 17-ka Degmo ee Muqdisho ay ka kooban tahay, Axmed Cabdulle Afrax ayaa sheegay in ciddii fulinta wayda Amarkan ay mudan doonto ganaax ama xabsi.

“Dalkan waxaa iska leh Soomaali, waana in la ilaaliyo dhaqanka iyo luuqadeena, waana in luuqadda Ingiriiska ee ku qoran boorarka lagu bedelo Af Soomaaliga oo ah luuqaddeenna,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye Afrax.

Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa dhankooda siyaabo kala duwan uga hadlay amarka kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ee ah in la bedelo boorarka lagu Qoray luuqadda Ingiriiska.

“Waxaa nalagu amaray inaan bedelno boorarka ganacsiyadeenna ee Af Ingiriiska ku qoran, waxaana nagala doonayaa inaan amarkan fulino, haddii kale xabsi iyo ganaax ayaan mudan karnaa,” ayuu yiri ganacsade Cumar Xalwo oo ka mid ah ganacsatada Muqdisho.

Balse, Farmashiyiiste lagu magacaabo, Anwar Cali ayaa isna yiri, “Aniga waxay ila tahay Caqli-xumo in Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ay soo Saaran Amar Luuqadaha lagu kala soocayo… waayo carruurteena waxaa Iskuullada iyo Jaamacadaha loogu dhigaa Luuqadda Ingiriiska.”

Ugu dambeyn, Axmed Xaaji oo ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha wax ka barta ayaa yiri. “Waan muujin karnaa inaan Dalkeenna jecel-nahay oo aan Daacad u nahay, sida bixinta canshuuraha, Laakiinse Amarro lagu Mamnuucayo Luuqadaha kale, waxay iila muuqataa mid cunsurinimo ah.”

Si kastaba ha ahaatee, Waa Markii ugu Horreysay oo Maamulka Gobolka Banaadir uu soo saaro Amar rasmi ah oo Ganacsatada Muqdisho lagu farayo in ay beddelaan Luuqadaha ku Qoran Boorarkooda Ganacsiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya