4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2016
Xildhibaano ku buuqay Madaxweynaha Koonfur Afirka Xilli uu Khudbad jeedin lahaa (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 12, 2016 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Afrika, Gaar ahaan xubnaha Mucaaradka Garabka-bidix oo ee Xisbiga EFF Economic Freedom Fighters ayaa xalay buuq ka kiciyay Baarlamaanka Waddankaas, isla markaana Madaxweyne Jacob Xuma dhaleeceeyay, xilli uu jeedinayay khudbadiisii Sannadlaha ahayd.

Buuq iyo Jah-wareer ayaa xalay Hareeyay Baarlamaanka Dalka Koonfur Afrika, halkaasoo Xubnaha Xisbiga Mucaaradka ay qal-qal geliyeen Khudbad uu jeedinayay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Zuma.

Xildhbaannada mucaaradka Garabka-bidix ee xisbiga EFF ayaa waxay dalbadeen in hadal ay jeediyaan; waxayna bilaabeen dhaleecayn ka dhan ah Madaxweyne Jacob Zuma, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay uu buuq badan dhashay.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Zuma ayaa wuxuu ku qasbanaaday inuu ka dago Masraxa ka hor inta Afhayeenka Baarlamaanka aysan ku qasbin xildhibaanada mucaaradka inay ka baxaan dhismaha Baarlamaanka.

Sidoo kale, Jacob Zuma ayaa markii hore soo galay gudaha Baarlamaanka isaga oo go’aan ahaan aad uga liita sidii hore.

Toddobaadkan ayuu Madaxweyne Zuma, Wuxuu iska Indha-tiray Warbixin uu soo Saaray Guddiga Anshaxa ee waddankaas oo kula taliyay madaxweynaha inuu bixiyo kharashkii ay Dowladda ku bixisay dayac-tirka Qasrigiisa gaarka ah.

Jacob Zuma ayaa mar uu dambacay inuu khudbad u jeediyo Shacabka Dalkiisa ayaa waxaa si joogta ah ugu buuqay xildhibaannada mucaaradka dalkaas, kuwaasoo xitaa u diiday inuu jeediyo khudbaddiisii uu uga hadli lahaa Xaaladda Waddankiisa.

Mucaaradku, waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu baal-maray sharcigii uu u dhaartay markii xilka loo dhiibayay, waxayna ugu baaqeen inuu xilkaasi ka dago.

Ugu dambeyn, Dood muddo dheer socotay ayaa Xubnaha Mucaaradka ee EFF waxay isaga bexeen dhismaha Baarlamaanka, Waxaana taasi ay u suuro-gal ka dhigtay in Madaxweyne Zuma uu shaaciyo qorshaha uu u hayo Dalkiisa sida inuu dib u soo nooleeyo dhaqaalaha sii liicaya ee Waddanka Koonfur Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya