4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2016
Madaxweynaha Somalia oo Jarmalka uga Qayb-galaya Shirka Xasaradaha iyo Amniga Caalamka


Jimco, Feberaayo 12, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Munich ee dalka Jarmalka, Isagoo ka qayb-galayo shirka 52-aad Ammaanka ee Munich (Munich Security Conference).

Shirkan Caalamiga ah ayaa waxaa ka Qayb-galaya 30 Hoggaamiye oo Dalalka Dunida ka Socda iyo 70 Wasiirro Arrimo Dibadeed iyo Difaaca oo ka socda Waddamo Caalamka ka tirsan.

Arrimaha ugu waa-weyn ee Shirkan inta uu socdo diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah xasiloonida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Suuriya, Xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in inta Shirkaan uu socdo uu hadal ka jeediyo, isagoo ka warami doona xaaladda Ammaanka Soomaaliya iyo Gobolka Geeska Afrika guud ahaan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda, C/salaan Hadliye Cumar, la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Ammaanka, Jen. C/qaadir Sh. Ciise iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxtooyada.

Ugu dabmeyntii, Shirkaan waxaa Barbar-socon doona Kulammo Gaar-gaar ah oo ay yeelan doonan madaxda iyo Wakiillada dalalka ka qayb-galaya shirkaan, iyagoo ka Wada-xaajoon doona xoojinta iskaashiga yareynta iyo ka hortagga Colaadaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya