4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2016
Ardayda Kuliyada Tiknolojiyada IT ee Jaamacada Banadir oo qabtay bandhig cilmiyeed (Sawirro)


Jimco, Feberaayo 12, 2016 (HOL) — Bandhig-cilmiyeed ay soo Diyaariyeen Ardayda wax ka barata kuliyadda xogta Teknolojiyada ee Jaamacadda Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka Qayb-galay bandhigan Mas'uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, Macalimiin, hormuudyada Kuliyadaha Jaamacadda qaarkood aqoonyahano, arday iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu soo bandhigay softwaro ama barnaamijyo kala gedisan oo ay soo hindiseen ardayda wax ka barata kuliyadda xogta Teknolojiyada (IT) ee Jaamacadda Banaadir kuwaasoo loo adeegsan karo fududeynta howlo ay ka mid yihiin; diiwaan-gelinta, ganacsiga, isgaarsiinta, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyo kale oo fara badan.

Barnaamijyadan ayaa ardayda soo diyaarisay qaab Baraatiko ah (Gacan-ka-qabad ah) u soo bandhigayeen, iyadoo ay si weyn ula dhaceen ka soo qeyb galayaasha xafladan.

Waxaa bandhigan barbar socday Siminnaar ku saabsanaa qaabka loo sameeyo websiteyada iyo ka faa'iideysiga xogta aqooneed ee ku keydsan Internet-ka, waxaana bixinayay barayaal ka tirsan Jaamacadda iyo aqoonyahano qodobadaas si qoto dheer u faaqiday.

Hormuudka kuliyadda IT-ga ee Jaamacadda Banaadir Inj. Maxamed Xuseen Caadil oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay iney dedaal badan ku bixiyeen sidii ardayda kuliyadan ay sare ugu qaadi lahaayeen aqoontooda, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay heerka ay maanta joogaan wuxuuna xusay in hadda iyo wixii ka dambeeya laga maarmayo sameynta Soft-ware-rada noocan ah ee dibadaha Dalka laga dalban jiray, Wuxuuna ardayda bandhig-cilmiyeedkan qabtay ugu baaqay iney dedaalkooda sii xoojiyaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo Gaba-gabadii Ban-dhigaas ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey ardayda kuliyadda IT-ga horumarka ay ku Tall-aabsadeen, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay dedaalka ay muujiyeen isagoo ku dhiirageliyey iney sii xoojiyaan sare u qaadida aqoontooda.

“Kuliyadda xogta Teknolojiyada waxay hormuud iyo udub u dhexaad u tahay Jaamacada Banaadir, waxaana taas u daliil shaqaalaha Jaamacadda boqolkiiba afartan waxaa laga qaatay ardayda dhameysatay kuliyadan maadaama hadda teknolojiyada ay fure u noqotay wax walba” ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacadda oo intaa ku daray in softwareda la oo bandhigay ay yihiin kuwo qeybaha bulshada ay si wanaagsan uga faai’deysan karaan.

Dr. Dalmar ayaa sidoo kale hadalkiisa ku sheegay inuu si rasmi ah u furay koorsada loo yaqaano (CISCO-International Certificate course) oo shahaado caalami ah ay ku helayaan ardayda kuliyada xogta teknolojiyada iyo kuliyadaha kale ee Jaamacada qaarkood, isagoo ugu baaqay iney ka faaa’ideystaan.

Intii Xafladdaas ay socotay ayaa Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee ka qeyb gashay waxay shahaado sharafeedyo kala duwan gudoonsiiyeen qaar ka mid ah ardayda kuliyadda xogta teknolojiyada ee kaalimaha hore ka galay imtixaankii Semisterka iyo arday kale oo qabtay howlo wanaagsan.

Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha ka jira dalka Somalia ayaa Sanadahan ku talaabsaneysay horumaro kala duwan oo dhinaca tacliinta ah, iyadoo soo kordhisay qeybta Takhasuska ee Waxbarashada Heerka Labaad ee Master oo ay la Kaashanayso Jaamacadda Makerere ee dalka Ugandha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya