4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2016
Riek MACHAR oo loo Magacaabay Mar kale Xilka Madaxweyne ku Xigeenka Koonfurta Suudaan


Jimco, Feberaayo 12, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigeen ninka uu loolanka siyaasadeed kala dhaxeeyay ee Riek Machar.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii dhiacyada isku haya South Sudan isku haya ay heshiis gaareen, kaasoo haatan u muuqda in horumar weyn laga gaaray fulintiisa.

Riek Machar oo ah hoggaaminaya Mucaaradka Koonfurta Suudaan ayaa wuxuu horay u ahaa madaxweyne ku xigeenka waddankaas, laakiinse khilaaf soo dhex-galay isaga iyo madaxweynaha dalkaas ayaa sababay in xilka laga eryo.

Illaa bishii December ee sannadkii 2013-kii waxaa dalka Koonfurta Suudaan ka socday dagaallo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kuwaasoo boqollaal qof lagu dilay, iyadoo maallaayiin kalena ay guryahooda uga barakaceen.

Dhanka kale, Riek Machar ayaa soo dhaweeyay xilka loo magacaanay mar kale, isagoo ku tilmaamay mid qayb weyn ka qaadan kara nabadeynta dalka South Sudan.

Waddanka Koonfurta Sudan ayaa ka go'day dalka Suudaan oo ay muddo dheer wada dagaalamayeen, inkastoo dalkan ay lasoo daristay nasiib-darro weyn iyo colaado sokeeye oo salka ku haya awoodda xuikunka dalkaas.

Ugu dambeyn, Arrimaha sida weyn la isugu hayay ayaa waxaa ka mid ahaa inay awoodda si siman u qaybsadaan labada qabiil ee ugu waaweyn dalkaaas oo ay kasoo kala jeedaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya