4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 12, 2016
Gobolka Awdal oo ay ka bilaabmayso Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Hardanka Xisbiyadda


Jimco, Feberaayo 12, 2016 (HOL) — Gobolka Awdal ayaa noqday gobolkii labaad ee ay si Rasmi ha uga billaabanto diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland, Waxaana labaddii maalmood ee u dambeeyay ku sii Qul-qulayey Mas'uuliyiinta Xisbiyada Qaranka, guddida doorashooyinka iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ka Qayb-qaadanayey billowga diiwaangelinta.

Munaasabaddii lagu shaacinayey inay gobolka Awdal ka bilaabi doonto bishan 16-keeda, ayaa lagu qabtay jaamacadda Camuud, waxaana ka soo qaybgallay madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Saylici, gudoomiyaha xisbiga kulmiye, gudoomiyaha xisbiga WADANI, masuuliyiin ka socda xisbiga UCID iyo madaxda jaamacadda Camuud oo iyaguna fulin doonna diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyagoo gobol walba jaamacadda ka shaqaysa la qorayo shaqaalaha ka qaybqaadan doonaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweyne ku xigeenka C/laahi Saylici ayaa sheegay in loo baahan yahay in muwaadin kasta isdiwaangeliyo oo uu qaato kaadhka doorashadda si uu u doorta qofkii uu ku aamini lahaa masiirkiisa mustaqbalka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in abaaraha jira loo gurmado oo ganacsato iyo hay’adaha caalamiga ahiba gacan weyn ka geystaan sidii loo caawin lahaa dadkaasi reer guuriga ah ee miyiga ku nool.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa isna xusay in kaadhka Cod-bixiyeyaasha in la qaata muhiim tahay si qofka uu rabo xilka ugu aamino, isla markaana uu qof kastaaba ku dadaalo inuu doorto qofkii uu isleeyahay dalka iyo dadkaba wuu anfici karaa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradk ah ee WADANI C/raxmaan Cirro oo isna munaasabada ka hadlay dadka ku guubaabiyey qaadashadda kaadhka codbixiyeyaasha.

Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cali Gurey ayaa isagu si kulul uga hadlay in xal loo helo goobaha aan hore loogu codeyn jirin ee goboladdu isku hayaan si qofku xaq ugu helo inuu wax dooran karo isna la dooran karo.

"Lixda goobood ee deldelan ee an hore looga codeyn jirin ama la iskaga diiwaangelin jirin waa in xal loo helaa inay dadkaasi qaadan karaan kaadhadhka muwaadinimada iyo ka codeyntaba, waxaana xukuumadda iyo cid kastoo goobahaasi ku shaqo lehna ugu baaqay inay deg-deg xal uga gaadhaan si dadka deegaankaasi codkooda iyo diiwaangelintoodaba uga dhiibtaan”ayuu yidhi Cali Gurey gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID.

Dhinaca kale, waxay xisbiyada goboladda ay marayaan ku soo bandhigayaan  dhoolatus ay ku muujinayaan inay taageero ka haystaan gobolkan, iyagoo xisbi walba oo gobolka hawshu ka socota yimaaada si balaadhan loogu soo dhoweynayo, waxaana jira hirdanka hoose oo ka dhexeeya xisbiyadda muxaafadka ah iyo mucaaradka.

Sidoo kale, xisbiyada ayaa iyaguna ku dadaalaya inay taageerayaashooda ka soo guraan xuduudda Itoobiya iyo gudaha itoobiya si wakhtiga doorashooyinka ugu codeeyaan, waxaanu xisbi waliba diyaariyey gaadiid farobadan oo dadweynaha dhalashadoodu ka soo jeeddo Somaliland iyo kuwa abaaruhu geeyeen gudaha Itoobiya inay xisbiyaddu soo gurtaan si ay u qaataan kaadhka codeynta.

Xisbi waliba wuxu ku dadaalayaa inuu taageerayaashiisa ku guubaabiyo inay kaadhadhka qaataan si hadhow xisbiyadoodda ugu codeeyaan, waxaana qaadashada kaadhadhka dhex socda olole hoose oo xisbiyadu dadka ku guubaabinayaan inay deegaanada kaadhadhku ka socdaan u kasban lahaayeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland