4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
LONDON: Jaaliyadda Soomaaliyeed oo Dibadbax ka hor-sameeyay Safaarada Kenya ee Dalka UK


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ayaa Maanta Mudaaharaad ka hor-dhigay Safaaradda ay Kenya ku leedahay magaalada London, iyagoo dalbanaya in ciidamada Kenya ay ka baxaan Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha oo tiradoodu ay kor u dhaafaysay 250-qof oo Haween iyo ilmo u badnaa ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee Somalia ku sugan ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, ayna duqeymo iyo barakacinta dadweynaha ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.

Boorarka ay wataan Mudaaharaadayaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa ku Qoraa erayo ay ka mid ahaayeen; “Kenya Ciidamadeeda ha kala baxdo Somalia. Waayo ciidanka Kenya uma joogaan Smalia Nabad ee waxay u joogtaa Dagaal” iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in dibadbaxa ay dhigayaan uu yahay sidii si ay u muujin lahaayeen dhibaatooyinka ay Ciidamada Kenya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, Bannaan-baxayaasha ayaa waxaa ka mid ah Fannaaniin Soomaaliyeed, kuwaas oo kaalin weyn ku lahaa qaban-qaabada Dibad-baxaan ka dhanka ah Xukuumadda Kenya.

“Waxaan u dibadbaxayno waa inaan ka dhiidhinno dhibaatooyinka ay ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan ku hayaan shacabkeenna, gaar ahaan ciidamada Kenya, waxaanan leenahay ciidamada Kenya ma doonayno, kuwa Itoobiyana ma doonayno ee dalkeena haka baxeen,” ayay tiri Fowziyo Xuseen oo ka mid ah dibadbaxayaasha una warrantay VOA-da.

Mar Fowziyo Xuseen la weydiiyay dhibaatooyinka ay doonayaan Dibdbaxan ku muujiyaan ayaa ku jawaabtay. “Dhibaatooyinku way badan yihiin, Hadda waxaa lasoo dhaafay Dadka oo waxay maraysaa in duunyadii la laayo, waxaana dowladda Somalia ka dalbanaynaa inay wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Waxaa isagana ka mid ahaa Mudaaharaadayaasha Xuseen Shire Cayaar-jecel, isagoo VOA-da u sheegay in dibadbaxooda ay ku muujinayaan ciidamada dhibaatada weyn ku haya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ciidamada Kenya ay ka geysteen deegaanka Ceel-cadde iyo kuwa ku dhow-dhow.

“Haddii... ciidamada Kenya ay sidan u naxariis-daran yihiin waa inay dalkeenna ka baxaan, haddii kale Shacabka Soomaaliyeed xoog ayay isaga saari doonaan,” ayuu Xuseen Cayaar-jecel yiri, isagoo intaa ku daray in ciidamada Kenya aysan si sharci ah kusoo gelin Somalia codsiga dowladda Somalia, balse si iskood ah ayay kusoo galeen, waana inay isaga baxaan dalkeenna.

Ugu dambeyn, Dibadbaxan ayaa noqonaya kii u horreeyay oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Britain ka hor-dhigaan dhismaha safaaradda dowladda Kenya ay ku leedahay magaalada London ee Xarunta Waddanka Britain.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya