4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo Maanta Qaadacay Go’aankii NUSOJ ee Maxkamadda Sare


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Puntland [MAP] ayaa Maanta ka hadlay go’aankii Maxkamada Sare ee dalka ay kasoo saartay Hogaanka ururka NUSOJ, iyagoo ku tilmaamay go’aankaas mid hareer-marsan Shuruucda Waddanka u yaalla.

Maxkamadda Sare ee Somalia ayaa Toddobaadkaan soo saartay go’aan ahaa inuu ka yahay Ururka NUSOJ Xog-haye Guud, Cumar Faaruuf, ayaa ururka MAP waxay ku Tilmaameen Go’aankaas mid la yaab leh, Isla markaana Xad-gudub weyn ku ah Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya.

“Innagu MAP ahaan, waxaan caddeynaynaa inaanan marna la shaqeynayn Cumar Faaruuq. Innagu Xoghayaha Guud ee NUSOJ waxaan u Aqoonsannahay Maxamed Ibraahim, waana hoggaamiyaha sharciga ah ee ururka NUSOJ, isaga ayaana la shaqeyn doonnaa,” ayuu lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay MAP, kaasoo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Ururkan Faysal Khaliif.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka MAP ayaa lagu sheegay inay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Avv. Caydoid Cabdullaahi Ilka-Xanaf ugu yeerayaan in isagoo Tix-gelinaya baaqa Suxufiyiinta Sooamaliyeed uu dib uga laabto Go’aankii uu soo saaray 10-kii bishaan Feberaayo, 2016-ka.

Faysal Khaliif, ayaa sidoo kale hoosta ka Xariiqay in Go’aanka Avv. Caydiid Ilka-xanaf uu xad-gudub ku yahay Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana uu go’aanku abuurayo inay dhibaato cusub soo dhex-gasho Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

“Waxaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay Qabsadaan Shirkooda si ay u soo doortaan hogaankooda, waxaana ka digaynaa in doorashada lagu qabanayo Muqdisho wax fara-gelin ah lagu sameeyo,” ayuu yiri Faysal Kahliif.

Ururka MAP ayaa ammaanay kaalintii ay Suxufiyiinta Sooamaliyeed ka qaateen go’aanka Makxamadda Sare ee dalka iyo kulankii ay Muqdisho ku qabteen, si ay u muujiyaan isku-duubnimadooda ay uga soo horjeedaan go’aankaas.

Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Puntland, ayaa waxay War-saxaafadeedkooda ku xuseen inay Beesha Caalamka ku boorrinayaan eegaan go’aanka Maxkamadda sare ee dalka kasoo baxay; kaasoo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Suxufiyiinta Soomaailyeed.

Ugu dambeyn, Ururka MAP ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay taageerayaan mas’uulka sharciga ah ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim, ayna Difaacayaan, iyagoo ku boorriyay Bakistaan in Halkaas uu kasii wado Howsha uu ku Difaacayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Sarena uusan waxba u dhimin howlihiisa shaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya