4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Wada-hadalladii Beesha Calaamka iyo Puntland oo kusoo Dhamaaday Natiijo la’aan (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Ergayga QM ee Sooamaliya, Michael Keating oo maalmahan ku sugnaa Garoowe ayaa soo Gunaanaday Kulamadii uu la lahaa Siyaasiyiinta, Golaha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah, madaxda iyo weliba xildhibaanada baarlamaanka Puntland, iyadoo kulammadaasi aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Madaxweyanaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Wafdigii uu Hoggaaminayay ergayga QM ee Somalia sii Sagootiyay, isagoo sheegay in Beesha Caalamka uu u sheegay Mowqifka doorashooyinka la filayo inay Sanadkaan 2016-ka dalka ka dhacaan.

Sidoo kale, C/weli Gaas ayaa xusay inaysan jirin wax heshiis oo la gaaray, balse ay isku af-garteen Beesha Caalamka inay dib isugu laabtan, madaxda  Puntland iyo shacabkooda si ay arrintan uga wada-hadlaan.

“Wax heshiis ah oo la gaaray ma jirto, balse waxaanu Beesha caalamka isku af-garannay in dib la isugu laabto. Annaga Puntland ahaana aanu sii wadno wada-xaajoodka iyo in Beesha caalamka aanu dib isugu soo laabano, aanan kawada shaqeyno sidii Somalia loo horumarin lahaa, waxaana rajeynayaa inaan isku soo laabano, meesha hadda aanu joognana aan horay uga sii socono,” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Danjire Michael Keating ayaa isagana dhankiisa hadlay ayaa sheegay in Puntland si weyn loogu soo dhaweeyay, ayna dhageysteen aragtida ay ka qabaan nooca doorasho ee la isla qaatay, wuxuuna intaas ku daray in wadatashi kaddib dib la isku soo laaban-doono.

Ergayga oo Wafdigiisa ay ka mid ahaayeen; Safiirrada Maraykanka, Midowga Yurub, UK, Talyaaniga, Sweden, IGAD Uganda, iyo Itoobiya ayaa waxay Garoowe ka duuleen, iyagoo aan ku faraxsanayn diidmada Puntland ee ku aaddan nooca doorasho ee 4.5-ka.

Ugu dambeyn, Waxaa laga dhur-sugayaa go'aanka kasoo baxay shirarka Beesha Caalamka iyo Dowladda Somalia ay Muqdisho ku yeelan doonan todobaadkan iyo wada-xaajoodyada Puntland dhexdeeda ka furmaya.

Abaadir Cabdul-qaadir Cilmi
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliiya