4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Dab Khasaare weyn geystay oo Maanta ka kacay Xerada Barakacayaasha RAJO ee MUQDISHO


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Ugu yaraan hal Qof ayaa ku geeriyooday, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab maanta ka kacay Xerada Barakacayaasha RAJO oo ay boqolaal barakacayaal ah ku nool yihiin, kuna taalla duleedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax ayaa Warbaahinta u sheegay in Dabkaan uu ka kacay dab ay Shidanayeen Carruur yar-yar oo ka mid ah Qoysaska ku nool Xeradaas si ay raashin ugu karsadaan.

Sidoo kale, Dabkaan oo Waxyeello Hantiyeed gaarsiiyay Qoysaska Xeradaas ku nool, ayaa wuxuu baabi’iyay 70-guri oo ka sameysnaa teendhooyin iyo cooshado, kuwaasoo ay dadka barakacayaasha ahi ku noolaayeen.

“Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ayaa dabka ka dhashay, nasiib-wanaag waxaa saacado kaddib lagu Guuleystay in dabkaas la baqtiiyo,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed C/lle Afrax.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Xeryaha Barakaacyaasha ee Muqdisho ay ka kacaan Dab dhibaatooyin badan geystay, waxaan daminta Dabkan maanta ka kacay Xerada RAJO qayb ka qaatay gaadiidka dambka dambiya ee maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya