4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Dowladda Mareykanka oo Rwanda ku eedeysay inay Hurinayso Colaadaha ka Taagan BURUNDI


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa dalka Rwanda ku eedeysay inay Hurinayso Colaadaha ka taagan Dalka Burundi ee ay dariska yihiin, iyadoo hadalkan ay si weyn u soo dhaweysay xukuumadda Bujumbura.

Kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Dalka Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield ayaa Arbacadii shalay u sheegtay Guddiga Xiririka Arrimaha Dibadda ee Senate-rada Mareykanka inay jiraan caddeymo xaqiiqo ah oo tilmaamaya in Qoxootiga Burundi ee ku sugan Rwanda la tababaro si ay uga qayb-qaataan weerarrada ka dhanka ah dowladda Burundi.

Thomas-Greenfiled ayaa xustay in ay muhiim tahay in Rwanda ay kaalin wax dhisid ah ka qaadato dagaallada gobolka oo ah bixinta taageero ay ku xoojinayso siyaasadda, balse aan looga baahneyn inay fara-gelin Millateri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Burundi, Alain Nyamitwe ayaa sheegay in arrintaan ay Mareykanku sheegeen ay dhowr bilood ka hor ka Dhawaajiyeen. Isagoo intaas ku daray in Mareykanka ay hadda arrintan walaac muujiyeen, Waayo Xukuumadda Rwanda waxay ku dhaqmaysaa ficillo ka baxsan Shuruucda Caalamiga ah.

“Inagu waxaan leenahay arrintan waa mid wanaagsan, balse waxaan halkaan ku sheegayaa in Maamulka Barack Obama aan ku War-gelinnay faragelinta Dalka Rwanda ay ku hayso dalkeenna muddo toddoba illaa sideed ka hor ah,” ayuu yiri Nyamitwe oo intaas raaciyay. “Dabcan, waxaan ku boorrinaynaa xukuumadda Mareykanka inay hadalka u bedelaan ficil oo ay tallaabo ka qaadaan Rwanda.”

Sidoo kale, Alain Nyamitwe ayaan qeexin tallaabada ay Burundi doonayso in Rwanda laga qaado, balse wuxuu sheegay in Waddankiisu uu doonayo inuu nabad kula noolaado dalalka ay dariska yihiin, isagoo xusay inay u baahan yihiin in la xushmeeyo madax-banaanidooda.

“Waxaan Aaminsan-nahay in Waddamada Dariska ah ay tahay in ay si Nabad-galyo ah ku wada-noolaadaan. Waxaan filayaa in Xad-gudub weyn ay tahay in Waddan uu ku sameeyo fara-gelin madax-bannaanida waddan kale oo ay daris yihiin. Burundi waxay doonaysaa in naloo xushmeeyo sida aan u xushmeyno oo kale,” ayuu ku daray hadalkiisa Nyamitwe.

Dhanka kale, Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ayaa eedeymahaan Cusub ee QM ay soo saartay ee sheegaya in Qoxootiga Burundi ee ku sugan Bariga dalka Rwanda la siiyay tababar laba bilood ah sannadkii hore si Dagaallada ka socda Burundi ay uga Qayb-qaataan hadal caruureed been-abuur ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Burundi, Alain Nyamitwe ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay oo xukuumadda Kigali ay eeddaan in-kirto, Laakiinse ay caddahay inay fara-gelin qaawan ku hayso arrimaha dalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya