4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Al-shabaab oo Madaafiic ku Weerartay Garoonka Diyaaradaha Aden Adde ee Magaalada Muqdisho


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Madaafiic ayaa lagu weeraray garoonka caalamiga ah ee Diyaaradaha Muqdisho, Waxaana Al-shabaab ay sheegtay inay iyagu ka dambeeyaan duqeynta ayna ku beegsadeen Xarunta AMISOM ee Xalane oo ku dhagan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo goob-joogayaal ah ayaa sheegay in madaafiic dhowr ah lagu weeraray garoonka diyaaradaha, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha duqeytan ka dhashay, taasoo xaafadaha ku dhowr garoonka Muqdisho laga maqlayay.

“Jugta dhowr madfac oo Garoonka Muqdisho ku dhacay ayaa maqlay xalay,” ayuu Bashiir Xuseen oo ah goob-jooge ku sugnaa Garoonka diyaaradaha u sheegay Warbaahinta, isagoo intaas ku daray in aysan arag wax khasaare ah oo ay sababtay duqeyntan.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku dhow goobo ay daggan yihiin xaqiijiyada Qaramada Midoobay ee Somalia, kan Midowga Afrika, safaaradaha waddamada Caalamka qaarkood iyo weliba dublamaasiyiinta ka Hawl-gala Somalia.

Sidoo kale, goobjooge kale oo lagu magacaabo, Maxamed Cabdlala aya isagana u sheegay Warbaahinta inuu maqlay dhowr qarax oo culus, kuwaaasoo ahaa madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa warbixinno ay soo dhigeen barahooda ku sheegay in madaafiic dhowr ah ay ku weerareen xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane, laakiinse ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyntooda.

Weerarkan duqeynta ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli horraantii bishan uu fashilmay qarax lagu soo soo Ridi lahaa Diyaarad ay lahayd shirkadda Daallo Airlines oo ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho kuna sii jeedday dalka Jabuuti, taasoo uu ku dhintay ruux la sheegay inuu is-qarxiyay, ayna ku dhaawacmeen laba qof oo kale oo rakaabkii diyaarada ka mid ahaa.

Shilkaan ayaa waxaa loo xir-xiray in ka badan 20-qof oo ay ku jiraan laba ruux oo ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo Xukuumaddu ay sheegtay inay ku socdaan baaritaanno la xiriira shilkii diyaaradeed.

Dhanka kale, Hay'adaha Ammaanka dowladda Somalia iyo AMISOM ayaan weli ka hadlin duqeynta la sheegay in Al-shabaab ay xalay la beegsatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli dowladda Somalia ay sheegtay in la adkeeyay Ammaanka Garoonka Diyaaradaha.

Ugu dambeyn, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku dhaggan xarunta ay deggen yihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo tiradoodu gaarayso in ka badan 22,000-askari oo ka kala socda Shan Waddan oo Afrikaan ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya