4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Shir looga Hadlay Maamulka Hawada Somalia oo lagu Qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Shir looga hadlay Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana qodobbada Shirkaan looga hadlay ka mid ahaa sidii maamulka Hadawa Soomaaliya oo muddo 20-sano ka badan ah laga hagayay Kenya loogu wareejin lahaa gacanta Dowladda Somalia.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta hay’adda Maamusha Hawada Somalia ee ICOA, Wasiir ku xigeenka Gaadiidka & duulista Hawada Somalia  Xirsi Aadan Rooble, Danjiraha Somalia ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddiga Baarlamaanka Somalia u qaabilsan Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Danjiraha Somalia ee Nairobi, Jamaal Maxamed oo kulanka kaddib Warbaahinta la hadlay qodobbadii looga hadlay kulankaan, isagoo sheegay in Soomaalida halkan joogta ay yihiin dad sharci-darro lagu keenay oo 20-kii sano ee u dambeeyay ka shaqeynayay Dalka Kenya, iyagoo aa naan wax sharci iyo Xaquuq ah lahayn, lacago ku filanna aan la siin, taasoo ay u sii dheer tahay Hawadii Soomaaliya inay gacanta ku hayso hay’adda ICOA, taasoo meel ka dhac ku ah Dowladnimada Soomaaliya.

“Madaxdii ICOA, waxaan u sheegnay inay sharci-darro tahay in Soomaalida dalkooda laga keeno, Hawadii Soomaaliyana Sannadkan 2016-ka anagoo ku jirna dal kale laga maamulo, waxayna noo sheegeen inaysan jirin wax hor-taagan in maamulka Hawada dib loogu celiyo gacanta dowladda Soomaaliya, dibna shaqaalaha Soomaalida loogu celiyo dalkooda,” ayuu yiri Jamaal Xasan.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxay dadaal ugu jirtay sidii dib gacanta Dowladda FS loogu soo celin lahaa Maamulka Hawada Somalia oo mudo 20-sano ka badan laga maamulayay dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya