4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Boko Haram oo Dad Barakacayaal ah ku dishay Weerarro ay ka geystay Waqooyi-bari Nigeria


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 56-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib markii kooxda Boko Haram ay laba weerar oo is-miidaamin ahaa ka fulisay xero ku taalla Waqooyi-bari Nigeria oo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah.

Weerarkan Is-miidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay laba haween ah; kuwaasoo isku beegay xilli ay dadka kaamkaas ku noolaa ku jireen fayl si loogu qaybiyo raashin maalin walba la siiyo si ay u quutaan.

Dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyadan ka dhacay Kaamka Dikwa oo ku yaalla gobolka Borno ayaa waxay intooda badan ahaayeen dumar iyo carruur, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Boko Haram ay dalka Nigeria ka geysato.

Kooxda Boko Haram ayaa waxay weerarradooda ku beegsadaan dadka shacabka ah; xilli Ciidamada Millateriga Dalka Nigeria ay Qorsheynayaan inay kooxda kala wareegaan deegaannada ay gacanta ku hayso.

Sidoo kale, Kaamka Dikwa ayaa waxaa ku noolaa qiyaastii 50,000 qof oo ka mid ah dadkii ku barakacay colaadaha ka taagan dhanka Waqooyi ee Nigeria, kuwaasoo guryahoodii uga soo cararay nabad-galyo xumo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Weerarkaan ay ku dhaawacmeen 67-qof oo ka mid ahaa barakacayaasha, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo dhaawacyadoodu ay aad u culus yihiin.

Madaxa hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Gobolka Borno, Nigeria, Satomi Ahmed ayaa u sheegay saxaafada in haween waxyaabaha qarxa ay ku xiran yihiin ay soo galeen kaamka ayna geysteen Qaraxyada khasaaraha badan dhaliyay.

Ugu dambeyn, Kooxda Boko Haram ayaa waxay ku dileen 20,000 oo qof weeraro ay dalka Nigeria ka geysanayeen llixdii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo sidoo kale ay Malaayiin Qof oo kale guryahooda uga barakaceen colaadaha kooxdan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya