4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Boqortooyada Britain oo Shacabkeeda uga digtay inay Booqdaan deegaanno ka tirsan Soomaaliya


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada UK ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Somalia, iyadoo Warbixintan lagu xusay inay booqan karaan haddii ay lagama maar-maan noqoto magaalooyinka Hargeysa iyo Ber-bera oo ay sheegtay inay dhanka nabadda ka wanaagsan yihiin kuwa kale ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Warbixinta Xukuumadda Britain ayaa lagu xusay inay khataro aan la filayn ay soo wajihi karaan muwaadiniintooda booqashada ku taga Somalia, taas awgeena ay uga digayaan inay booqdaan meelaha khatarta ah.

Xukuumadda UK ayaa horay uga soo saartay digniino dhanka Socdaalka ah Dalka Kenya oo ay daris yihiin Somalia, iyadoo sidoo kalena dalkaas laga joojiyay inay booqdaan Dal-xiisayasha Britain.

Digniintan ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha Soomaaliya, iyadoo lagu soo beegay xilli dhawaan uu Fashilmay weerar Qarax oo la doonayay in lagu rido diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airlines.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa waxay Go'aankeedaan kusoo beegtay xilli ay Muqdisho ka furan tahay safaaradda Britain, iyadoo aan la sheegin inta digiintu ay socon doonto.

Ugu dambeyn, Digniintaan ayaan la ogeyn saameynta ay ku yeelan doono dadka u dhashay Somalia ee haysta Britain, kuwaasoo si joogto ah ugu yimaado booqasho Somalia, intooda badanna aysan safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho iska diiwaan-gelin.

Si kasta ha ahaatee, dalka Britain ayaa waxaa ku nool boqollaal kun oo Somali ah, kuwaas oo ku kala nool guud ahaan gobollada dalkaas, waxayna muwaadiniintaas booqasho joogto ah ku yimaadaan Soomaaliya sannad walba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya