4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2016
Wasiirro ka tirsan Dowladda iyo Wafdi ka Socda QM oo Maanta Beledweyne Gaaray [SAWIRRO]


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada Somalia oo ay wehlinayaan xubno ka socday UN-ka, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka howlaha guud iyo dib-u-dhiska xukuumada Somalia Inj. Salaax Sheekh Cusmaan iyo Wasiir-u-dowlaha Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/rashiid Maxamed Xidig ayaa ka mid ahaa xubnaha ka tirsan gollaha wasiirrada ee wafdiga qeybta ka ahaa.

Soo dhaweyn kaddib waxaa loo gudbiyay wafdiga xarunta maamulka gobolka halkaasoo ay kulamo kula qaateen wasiirka ammniga gudaha C/risaaq Cumar Max'ed oo maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa magaalada Beledweyne iyo mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobol Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed].

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha C/rashiid Xidig ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada socdaalkoodu yahay siddii ay bal wax badan uga ogaan lahaayeen dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha si wax looga qabto baahiyaha dhinaca nolasha ah ee watiga heysata dadkaas.

Wasiirrada, Wafdiga QM iyo Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa isla Qaatay baahida xilligan loo qabo in loo istaago sidii wax badan looga qaban lahaa dhibaatooyinka dhinaca nolasha ah ee heysta dadka daruufaha kala duwan uga soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in ka maamul ahaan gacan weyn ka geysan doonnaan sidii dadka loo caawin lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya