4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
RW Soomaaliya iyo Wafdi Jaamacada Carabta ka socda oo ka Wada-hadlay Doorashooyinka 2016


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa Gellinkii dambe ee Maanta kulan la Qaatay Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo uu Hoggaaminayay madaxa Isku-tagga Waddamada Carabta ee Afrika, Danjire Zaid Al Sabban.

Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda Somalia iyo taageerada ay Jaamacadda Carabtu siiso Soomaaliya. Iyadoo RW Somalia uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay Muqdisho ay soo booqdaan wafdigan ka socda jaamacadda Carabta.

“Wuxuu kulankeennu qayb ka ahaa Wada-shaqeyn dhex-marta Soomaaliya iyo Dawladaha Carabta, waxaan iska wareysanay xaaladdo badan inagoo ka wada-hadlnay arrimo muhiim ah oo ka mid yihiin: Doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona Sannadkaan 2016-ka iyo doorka kaga aaddan sidii gacan uga uga geysan lahaayeen,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Ugu dambeyn, Wafdiga Jaamacadda Carabta ee Hoggaaminayay, Danjire Zaid Al Sabban ayaa iyaguna sheegay in Jaamacada Carabta ay taageeradooda Somalia kordhin  doonaan, ayna gacan uga geysaneyso hirgelinta Higsiga 2016-ka oo ay ka mid tahay in Somamlia ay doorasho ka dhacdo.



 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya