4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
AMISOM oo sheegtay in Al-shabaab ay doonayso inay fuliso Weerarro iyagoo isku Ekeysiinaya


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Ciidamada ururka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka Hawl-gala Somalia ayaa waxay maanta ka digeen Weerarro ay Xoogagga Al-shabaab ka geystaan deegaannada ay Dowladda Somalia iyo AMISOM gacanta ku hayaan, iyagoo isku ekeysiinaya isticmaalaya direyska AMISOM si ay isugu ekeysiiyaan.

AMISOM ayaa warbixin kooban oo ay soo dhigtay boggooda Twitter-ka waxaa lagu xusay inay AMISOM ay warar hoose ku heshay qorshayaal ay Al-shabaab ku doonayaan weeraro ay ku geysato qaybo dalka ka mid ah, iyagoo AMISOM isku ekeysiinaya ciidamadooda.

Sidoo kale, warbixinta AMISOM ayaa lagu xusay in Xoogagga Al-shabaab ay dooneyso in weerarradan ay ku geystaan direyskiiciidamada iyo agabkii kale ee ay ka qaateen saldhigyo ka tirsran kuwa AMISOM oo ay weerareen.

Qoraalka AMISOM ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Al-shabaab ay doonayaan inay wax-yeello Xooggan ugu geysato Weerarradoodaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana iska horkeenaan iyaga iyo shacabka.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay dhowr mar Weerareen Saldhigyo kala duwan oo ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobollada Dalka Qaarkood , kuwaas oo uu ka mid ahaa Saldhiggii Ceel-cadde oo la Weeraray bishii Jannaayo ee lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya