4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
Wadaad xalay lagu Gowracay Deegaan Hoos-taga Magaalada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Maamulka degmada degmada Buula-burte ayaa ku eedeeyay xarrakada Al-shabaab in ay gowrac ku dileen nin Sheekh ahaa oo lagu magacaabi jiray, Sheekh C/llaahi Sh. C/casiis - Deegaanka lagu magacaabo Jameeco Mubaarak oo ka tirsan degmada Buula-burte.

Duqa degmada Cismaan Geedi oo aan xiriir la sameynay ayaa u sheegay HOL in saqdii dhexe ee xalay guri uu ka deganaa deegaanka Jameeco lagala baxay Sheekh, kaddibna lagu gowracay meel aan wax badan ka fogeyn hoygiisa, waxaana la sheegay in kooxaha falkaa geystay diideen in la qaado meydka marxuumka.

Mar aanu wax ka weydiinay Duqa Buulo-burte Cismaan Geeddi sababta ay u Maleynayaa in loo dilay wadaadka, ayuu sheegay in wax badan aysan arintaa kala socon, laakiinse ay u Maleynayaa in Al-shabaab ay u dileen raashin uu dhawaan keenay Degmada Buula-burte, madaama Al-shabaab ay ka mamnuuceen degmada in la geeyo badeeco aysan ka warqabin.

Sidoo kale, kooxda dilka u geysatay Wadaadkaan ayaa la sheega inuu dhaawacay shaqsi kale oo ay doonayeen in ay gowracaan, hsse ahaatee la sheegay in markii dambe uu ka baxsaday isaga oo dhaawac qaba.

Ugu dambeyntii, shacabka ku nool Degmada Buula-burte ayaa aad u hadal haya falkaan oo ahaa mid si weyn looga wadda naxay, inkastoo dilalka noocan oo kale ah ku cusbeyn guud ahaan deegaannada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya