4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
Ergayga QM ee Somalia oo kula kulmay Garoowe Siyaasiyiin, Bulshada Rayidka ah iyo Isimada PL


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Ergayga QM ee Armaha Somalia, Micheal keating oo ay wehliyaan Wafdi caalmi ah oo shalay magaalada Garoowe soo gaaray, ayaa Maanta kulammo gooni-gooni ah la qaatey ssiyaasiin, Isimmo iyo weliba Bulshada Rayidka ah ee Pufntland.

Kulammadan oo ka dhacay xarunta hormarinta iyo cilmi-caarista Puntland ee (PDRC) ayaa intooda badan waxaa laga hadlay nooca Doorasho ee Somalia ka dhacaysa Sannadkaan iyo diidmada ay Puntland ka muujiysay qaadashada Nadaam-ka 4.5-ka.

Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole oo ka mid ahaa siyaasiintii kulanka la qaatay danjire Micheal Keating ayaa sheegay inay qoraal u gudbiyeen Wafdiga heerka caalami ah ee Puntland ku sugan, Mowqifkoodana ay qoraalkaas ku caddeeyeen.

Sidoo kale, Golaha Dhaqanka Puntland ayaa dhankoodaa sheegay inay Danjire Keating iyo wafdigiisa u gudbiyeen War-murtiyeed ay soo saareen Maalmihii ugu dambeeyay, kaasoo ay ku ayidayaan go'aankii madaxda Puntland ay ku diideen nadaamka 4.5-ka ah.

Bulshada Rayidka ah ayaa dhinacoooda sheegay inaysan doonayn Qaadashada habka wax-qaybsiga beelaha ee 4.5-ka, waxayna intaas ku dareen in Soomaaliya ay u baahan tahay in hormarka ay ku socoto lugu gacan-qabto, balse aan gadaal loo dhigin.

Ugu dambeyn, Wakiilka QM ee Somalia ayaa la filayaa in caawa uu si gaar ah ula kulmo madaxweynaha Puntland, kaddib markii uu dhagaystay aragtida siyaasiyiinta, Isimada iyo bulshada rayidka ah ee Puntland, waxaana natiijada ugu dambeysa ay soo bixi doontaa laba casho kaddib, balse hadda waxaa weli socda kulamada Beesha Caalamka iyo Puntland.

Abaadir C/qaadir Cimi
[email protected]
Gaalkacyo-Somalia