Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Ciidamada Badda Somalia ayaa Maanta u Dabaal-dagay sannad-guuradii 51-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay, Waxaana xafladda ka Qayb-galay xubno uu ka mid ahaa; RW ku-xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte.
RW Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Munaasabadda wuxuu ku Amaanay guud ahaan Ciidanka Qalabka sida ee Somalia, gaar ahaan ciidanka Badda iyo qoysaskooda oo uu Alle uga baryay inuu Sannadkaan kiisa kale ku gaarsiiyo Nabad iyo Barwaaqo.
“Ciidanka Badda Somalia waa in ay xil-weyn iska saaraan ilaalinta Hantida Ummadda iyo khayraadka kala duwan ee Badeena ka buuxa, waa inaan ku shaqeyno shuruucda caalamiga ah ee kalluumaysatada, sidoo kalena waa in Badeenna aynu ka hor-istaagno kalluumeysto sharci-darro ah,” ayuu yiri Mudane Carte.
Wasiirka Difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo isaguna ka Hadlay Xuskan ayaa sheegay in ciidamada Badda Soomaaliya ay kaalin weyn kaga jiraan difaacidda dalka, isla markaana ay socdaan sidii lagu horumarin lahaa.
“Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan ciidanka Badda, Waxay mas’uuliyadi ka saaran tahay ilaalinta baddeenna; ma ahan kaliya in cadaw laga ilaalinayo ee waa in kheyraadkeedana la ilaaliyaa, ALLE wuxuu nagu maneystay kheyraad ka badan ummadda Soomaaliyeed si ay shacabku uga faa’iideystaanna; waana lagama maarmaan in la ilaaliyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)