4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
Shir looga hadlay deegaanada aysan doorashadu ka dhicin oo lagu Qabtay Hargeysa (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Kulan Saddex Geesood ahaa ayaa Madaxtooyada Somalialnd ee Hargeysa Maanta ku dhex-maray xukuumada, gudiga doorashooyinka iyo Mas'uuliyiinta Xisbiyada Qaranka.

Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa waxa shirgudoominayey  Madaxweyne ku Xigeenka, waxayna ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diiwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka  dhacay,  halkaas oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd  ee qeexaysay  in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.

Goobaha aanay intooda badani Doorashooyinku ka dhici jirin khilaaf ka jira Gobollada ay raacayaan Awgeed ayaanay doorasho uga dhaceen, waxaana Tuulooyinkan isku-haysta Gobollada ay kala yihiin; Awdal, Maroodi jeex iyo Saaxil, kuwaas oo mid waliba sheegto inay iyaga ka tirsan yahay taasina waxay keentay in la hakiyo inay doorashooyinka ka dhacaan.

Tuulooyinkaasi aanay doorasho ka dhici jirin waxay kala ahaayeen  Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh, Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha, waxaa ilaa imika jira khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha oo goboladani isku haysan jireen, taasina waxay keentay inay waayaan xuquuqdaas dastuuriga ahayd  ee inay wax doortaan lana doorto.

Waxayna mas’uuliyiintii kulankan kasoo qayb-galay isla qaateen in marka hore la diiwaan-galiyo, iyagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay in la Diiwaan-galiyo Muwaadiniinta goobtaas ku nool

Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo  noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah  muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.

Dhinca kale, madaxweyne Axmed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaaran oo ka kooban Saddex Wadan oo kala ah Norway, Denmark iyo Netherland, kuwaasoo ka caawiya Somaliland dhinaca horumarka iyo waddooyinka.

Madaxweynaha oo ay kulankaas ku wehelinayeen wasiirada, Arrimaha Dibeda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta Qaranka Mudane, Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe), Madaxtooyada Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, Duulista iyo Hawada, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland