4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2016
GARYAQAANKA GUUD: Xukunkii Nusoj laga soo saaray iyo Dacwadii Xisbiyada Waa Sharci-darro

Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somalia, Cismaan Cilmi Guuleed oo Shir jaraa’id Maanta ku Qabtay Magaalada Muqdisho Wuxuu Waxba ka jiraan ku tilmaamay goa’ankii Maxkamadda sare ay kasoo saartay Hoggaanka NUSOJ iyo Dacwaddii xisbiyada siyaasadda dalka ay ka gudbiyeen bishii hore Ra'iisul Wasaaraha XF Somalia iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha.

Dr. Guuleed ayaa go’aankii ay Makxamadda Sare ee dalku kasoo saaray Ururka NUSOJ ku tilmaamay mid sharci-darro ah, isagoo xusay in qaabka uu dacwada u qaaday Avv. Caydiid Ilka-xanaf ay tahay mid xaq-daro ah, maadaama uu xukunka soo saaray iyadoo mid ka mid dhinacyada ay dacwaddu khuseyso uu maqan yahay.

“Labada dhinac ee dacwaddu ka dhexeysay; Cumar Faaruuq & Maxamed Ibraahim iyagoo wada-jooga Muqdisho ayaa waxaa si sharci-darro ah hal dhinac loogu xukmiyay dacwada,” ayuu yiri Garyaqaanka Guud oo intaasi ku daray in dib loo qaadi doono Dacwadaas.

Sidoo kale, Dr. Cismaan Guuleed hoosta ka Xariiqay in Arrinta la Xiriirta NUSOJ ay tahay mid u dhexeysa oo khuseysa xirfadleyda saxaafada. Isagoo xusay in xukunka Maxkamadda Sare uu yahay mid sharci-darro ah.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa hadalkiisa ku xusay in xukunkii Makxmaadda Sare uu yahay mid aan dhaqan-gal noqon Karin, isagoo ka digay in Xukunkaas lagu kadsoomo oo aan lagu dhamin, inkastoo uusan sheegin in Tallaabo laga qaadayo iyo in kale, dhinciii ku dhaqama xukunkan.

Hadalka Garyaqaanka Guud ee Dowladda, ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka uu soo saaray xukun ahaa in urruka NUSOJ uu Xog-haye guud ka yahay Cumar Faaruuq, taasoo qaybaha kala duwan ee Warbaahintu ay si aad ah uga soo horjeesteen.

Dhanka kale, Garyaqaanka guud ee Dowladda ayaa dacwadii dabayaaqadii bishii Jannaayo ay 22-xisbi ee dalka ka jira ay maxkamadda sare ee dalka u gudbiyeen ee ka dhanka ahayd RW Somalia iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha, ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin.

“Mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya waa la dacweyne karaa, laakiinse muhiimaddu waa in dacwaddaas ay noqotaa mid sharci ah oo soo martay nidaamka saxda ah,” ayuu shrkiisa jaraa’id ku yiri Garyaqaanka Guud ee dowladda federaallka Soomaaliya.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay. “Dowladda Soomaaliya weli ma soo Saarin Sharciga Axsaabta Dalka, sidaas awgeed dacwadda xisbiyadu ma ahan mid sharci ah.”

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Avv. Caydiid Ilka-xanaf uu warbaahinta u sheegay in loosoo gaarsiiyay dacwad ka dhan ah ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wasiirkiisa arimaha gudaha, taasoo ay u soo gudbiyeen xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Ugu dambeyn, Hadalka Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somalia ayaa kusoo beegmayaa; xilli xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ay qorsheynayeen in dacwaddooda go’aan cad laga soo saaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya