4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
Hay’adda Sirdoonka oo soo bandhigtay Kooxo ay sheegtay inay Muqdisho ka Fulin Rabeen Weerar


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Hay’ada Nabad-sugida Qaranka ayaa Muqdisho ku soo Bandhgtay kooxo ay ku sheegtay inay Qorsheynayeen inay weerar ku qaadaan Xarunta dambi-baarsita booliiska Soomaaliyeed ee CID.

Kooxaha ay soo bandhigtay NISA ayaa waxay tiradoodu ahayd toddoba qof oo ay sheegtay inuu ku jiro ruux doonayay inuu isku-qarxiyaan Xarunta CID-da, isagoo adeegsanaya gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay.

Sidoo kale, Hay’adda Sir-doonka Somalia ayaa xustay in Shan qof oo kale oo ka mid ahaa kooxdaan ay doonayay inay Weerar toos ah ku qaadaan Xarunta CID-da, markii uu Qaraxu dhaco, kuwaasoo ay sheegtay inay iyagu adeegsan lahayeen Gaari kuwa yar-yar ah.

Hay’ada NISA ayaa intaa raacisay in Nin lagu magacaabo, Sayid Cali uu dajiyay Qorshaha la doonayay in lagu Weeraro Xarunta Dambi-baarista CID-da ee Muqdisho, isla markaana lagu qabtay Nashqaddii lagu Weerari lahaa Xaruntaas.

Ugu dambeyn, Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda dowladda Somalia ayaa ku sheegtay warbixinteeda in xubnahan oo dhan ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna gacanta ku dhigeen ciidamada Sirdoonka Somalia, intii aysan howlgalkooda fulin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya