4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo sheegtay inay Kenya isku dayayso inay hor-is-taagto Dacwadda Badda


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay qorsheynaysay inay is-hortaagto dacwaddii muranka Badda ee ay u gudbiyeen mxkamadda cadaaladda adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Axmed Daahir ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay cabasho ah in Muranka kala dhaxeeya Somalia ee dhanka badda lagu dhameeyo wadahadal, isagoo xusay in Dacwadda haatan ay hor-taallo Maxkamadda, isla markaana aanu jirayn wax wadahadal ah.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay gudbiyeen dacwad khuseysa Muranka Badda ee Kenya iyo Somalia u dhexeysa…. Qaanuun ahaanna waxay ahayd in Dowladda kenya ay kasoo jawaabto, balse waxay keentay is hor-istaagaan anagana is-hor-taaggaas ayaan jawaab ka bixinnay dacwaddana waan gudbinnay,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir oo intaas ku daray.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay ka go’an tahay in iyaga iyo dalka Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda Cadaaladda ee Heague.

Ugu dambeyn, xukuumadda Kenya ayaa sheegtay qaab wadahadal ah lagu dhammeeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, taasoo muddo fog soo jiitamaysay, ayna u gudbiysay dowladda Somalia dacwad ka dhan ah arrintaas maxkamadda cadaaladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya