4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
Murashaxiinta Donald Trupm & Bernie Sanders oo ku guuleystay Codeyntii G. New Hampshire


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Donald Trump & Bernie Sanders oo murashaxiinta doonaya inay u tartamaan xilka madaxnimo ee dalka Mareykanka ayaa ku kala guuleystay Tartanka is-reeb-reebka Xisbiyada ee Gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.

Trump oo kusoo baxay xisbiga Jamhuuriga ayaa wuxuu helay laba jibaar codadkii uu helay guddoomiyaha gobolka OHIO, John Kasich oo la Tartamayay, iyadoo Hillary Clinton oo u Tartamaysay Xisbiga Dimuquraadiga ay markiiba u Hambalyeysay Murashaxa uu loolanka kala dhexeeyay ee Bernie Sanders oo iyada ka guuleystay.

Bernie Sanders ayaa sheegay in natiijadani ay dirayso farriin ah in ruux kasta oo Mareykan ah uu leeyahay dowladda.

Sidoo kale, Murashax Donald Trump ayaa Natiijadaas kaddib u sheegay Taageerayaashiisa inuu doonayo in Mareykanka uu durbaba billaabo inuu hanto Caalamka.

Murashaxa ku guuleystay tartanka xisbiga dimuquraadiga Bernie Sanders ayaa wuxuu isna dhankiisa sheegay in isaga & taageerayaashiisu ay dirayaan Farriin ah inay dowladda wada leeyihiin dhamaan dadka Mareykanka ah, laakiin aysan ahayn mid ay leeyihiin shaqsiyaad maal-qabeen ah oo lacago ugu yaboohay ololaha doorashada.

Ugu dambeyn, Hillary Clinton oo uu loolan kala dhaxeeyay Brnie Sanders ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto loolanka ay ugu jirto dhammaan Codadka Gobollada dalka Mareykanka oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya