4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2016
NIGERIA: Waxaan Qabannay Kooxo Doonayay in ay ku biiraan Khilaafada Islaamka ah ee ISIS


Arbaco, Feberaayo 10, 2016 (HOL) — Booliska Nigeria ayaa sheegaya inay xir-xireen ugu yaraan 18-qof oo lagu tuhunsan yahay inay qorsheynayeen inay ku biiraan kooxda IS, ama ay weerarro ka gaystaan Woqooyiga Nigeria.

Ciidamadaan ayaa sidoo kale, sheegaya inay si weyn ula socdaan lix qof oo kale oo ay ku sheegeen inay iyagu dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Nigeria, inkastoo aan la sheegin goob ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Waaxda Amniga Qaranka Nigeria ayaa waxay ku sheegtay warbixin ay soo saartay in dadka lasoo qab-qabtay uu ka mid yahay Nin kooxda ISIS u qorayay dagaal-yahanada iyo saddex qof oo kale oo uu kooxda ku biiriyay, kuwaasioo ay ku jiraan haweeney iyo arday.

Dadkan ayaa qorshaynayay inay u safraan xero tababar oo ku taala Liibiya. Shan qof oo kale oo la Tuhunsan yahay ayaa lasoo xiray iyagoo isku dayaya inay dalka Libya ula haajiraan qoysaskooda sida carruurtooda da’da yar.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in lasoo xiray dad lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Kooxo caalami ah oo jihaad-doon ah oo iyana la ssheegay inay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah dhismayaasha cibaadada iyo goobaha kale ee lagu nasto.

Dhanka kale, Waaxda Amniga Qaranka Nigeria ayaa laga soo xigtay in xubnaha la qabtay ay doonayeen in tababarro iyo kaalmmo ay ku helaan dhanka intarnet-ka, waxaana lagu soo qab-qabtay hawlgallo la sameeyay bishii Jannaayo 2016-ka.

Ugu dambeyn, muddo sanad ah ayaa haatan laga joogaa markii Hoggaamiyaha Boko Haram uu shaaciyay inuu heshiis la galayo ama ku biirayo DAACISH, balse tan iyo xilligaasi lama hayo caddeymo muujinaya xiriir toos ah oo kooxahan ka dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya