4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2016
Dowladaha Somalia iyo Kenya oo kala Saxiixday Heshiis Dhanka Is-kaashiga ah (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Dowladda Federaalka ee Somalia & dowladda Kenya ayaa shalay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada Dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan.

Guddiga wadajirka ah ee is-kaashiga labada dal ee Joint Commission of Cooperation (JCC) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia, C/salaam Hadliye Cumar oo Heshiiskaan u saxiixay dhanka Somalia, wuxuuna sheegay inay Somalia Wax badan ka kororsan doonto heshiiskan.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen Sannadkii 2005-tii uu yahay mid shantii Sanadoodba dib u eegis lagu sameeyo, si loo darso baahiyada muhiimka ah ee jira iyo wixii qabsoomay.

Dhanka Kenya, Waxaa Heshiiskaan u Saxiixday Wasiirradooda Arrimaha Dibedda Aamina Mohamed Jibriil oo xustay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.

Heshiiskan Guddiga wadajirka ee Iskaashiga labada dal ayaa saxiixa wasiirada kaddib ayaa dhigaya in la Ansixinta heshiiskaan si uu dhaqan-gal u noqdo, waxaa iska leh meel-marinta madaxweynayaasha labada dal.

Ugu dambeyntii, Mustaqbalka dhaw ayaa la filayaa in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay Qalinka ku duugaan Heshiiskan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya