4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2016
Madaafiic khasaare geystay oo Maanta ku dhacay Deegaanno Madaxtooyada Soomaaliya ku Dhaw


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Inta la og-yahay hal qof ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen hoobiyeyaal lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya oo ku dhacay Xaafadaha ku dhow oo ku yaalla degmada Wardhiiglay ee Gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa dilay gabar yar oo ku sugneyd kaam ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah, isla markaana dhaawacay shan qof oo saddex ka mid ah ay Carruur ahaayeen, waxayna Hoobiyeyaashaan noqonayaa kuwii labaad oo muddo Bil gudaheed ah ku dhaca Xaafadaha ku dhow madaxtooyada Somalia.

Dadkii ku dhaawacmay duqeyntaan qaarkood ayaa lagu soo warramayaa in ay xaaladooda ay tahay mid halis ah, Waxaana loo qaaday Isbitaallada magaalada Muqdisho qaarkood si looga daweeyo dhaawacyada.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in dadka dhibaatadu gaar tahay ay intooda badan kasoo jeedaan qoysas isku dhow. Iyadoo weli aysan jirin cid sheegatay Mas'uuliyadda duqeyntan, ayaa haddana waxaa weerarkii hore noocaan oo kale ayaa sheegatay Al-shabaab.

Hay’adaha Amniga dowladda Somalia ayaa weli ka hadlin madaafiicdan maanta ku dhacay xaafado ku dhow madaxtooyada Somalia, ayaa inta badan waxyeello ay kasoo gaartaa dad deggen xaafadaha ku dhow madaxtooyada Somalia.

Ugu dambeyn, Dad Goob-joogayaal ah ayaa sheegay in Duqeyntan ay Xaafadaha ku dhow madaxtooyada kusoo dhacday, ayna dadku ka carareen Goobo Ganacsi oo ay ku lahaayeen goobaha ay madaafiicdani ku dhacday, lama oga halka laga soo tuuray Hoobiyeyaashan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya