4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2016
Wafdigii ugu Ballaarnaa ee ka Socda Dowladda Somalia oo Maanta gaaray Beledweyne [Sawirro]


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa marti-galineysa wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dowladda FS, kuwaasoo galinkii dambey ee shalay illaa Subaxnimadii hore ee maanta gaaray magaalada.

Waxaa goor-dhaw kasoo dagay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Wafdi uu Horkacayo Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Beeraha xukuumadda Somalia C/casiis Saalax Carmaan Waxaana ka mid ahaa wafdiga oo u badnaa xildhibaano, C/llaahi Goodax Barre, xldhibaan Daahir Xassan Cabdi, Xildhibaan Max'ed Max'ed Cumar, Xildhibaan C/qaadir Sh. Xanafi, xildhibaan Max'ed Xassan Ibraahim Qoono & xildhibaan Deyfulah, waxaana dhinaca kale ka mid ahaa wafdiga siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka tirsan ururada bulshada rayidka.

Wasiir ku xigeenka Wasaarrada Beeraha, Cabdicassiis Carmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Safarkoodaan Magaalada Beledweyne uu la Xiriiro baaq uga yimid Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, isagoo intaa ku darray in ay ka qeyb-gali doonaan shir wadatashi ah oo lagu wado inuu berri ah ka furmo Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa ka soo Horjeeyay Wasiirka Wasaarrada Ammaanka Xukuumadda Somalia C/risaaq Cumar Maxamed oo galinkii dambe ee maalintii shalay soo gaaray magaalada iyo Xildhibaanno ay ka mid yihiin Daahir Amiin Jeesoow, Xildhibaan Nuur Iidoow Bayle iyo Xildhibaannad Samiira Xasan Cabdulle.

Dhinaca kale waxaa dib u dhac uu ku yimid kulan ballaaran oo maanta lagu wadday in uu ka furmo magaalada Beledweyne, kaaasoo lagu sheegay inay ka wada-hadlayaan bulshada ku dhaqan gobolka oo uga tashanaya masiirkooda siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa Horay u Qaadacay ka Qayb-galka Shirka Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Waxaana la filayaa inuu berri daah-furo shirka wadda-tashiga beelaha ku dhaqan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya