4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2016
Kooxda Boko Haram oo 86-qof ku dilay Weeraro ay ka Geysteen Waqooyi-Bari Nigeria (SAWIRO)


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 86 ruux oo ay ku jiraan Carruur ayaa ku dhintay weerarro ay kooxda Bokor Haram ka Geysatay Magaalada Dalori oo 5-KM  u jirta Magaalada Maidaguri oo ah magaalada ugu weyn Waqooyi-bari Dalka Nigeria.

Saraakiisha Dalka Nigeria ayaa sheegay in Weerarkaan uu Noqoyo kii ugu Dambeeyay oo ay Kooxda Boko Haram Xasuuq ugu geysato shacabka Nigeria ee aan waxba galabsan.

Weerarkaan ayaa la sheegay inuu dhacay habeenimadii Sabtida ahayd ee ka la soo dhaafay, ayna Kooxdu ka Geysatay laba Kaam oo ku yaalla Magaalada Dalori oo ay ku Noolaayeen 25,000 oo barkacayaal ah, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas.

Boko Haram ayaa la sheegay in weerarkan ay dadka badan u ku naf-waayeen u adeegsatay Saddex Qarax oo ismiidaamin ah iyo Gubitaan, kuwaaso kaamamka ka socday muddo afar saac ah, sida uu sheegay Alamin Bakura oo ka mid ah dadkii ka badbaaday Weerarkaas.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Saddex Qarax ay geysteen Saddex Gabdhood oo waxyaabaha qaraxa isku soo xiray, kuwaasoo geystay dhimashada ugu badan ee halkaas ka dhacday, Waxaana Qaraxyadaas dadka ku naf-waayay ka mid ahaa kuwa u sii cararayay deegaanka Gamori.

Waxaa kaloo la sheegay in kooxo hubeysan oo ka tirsan Boko Haram ay ku Fureen Rasaas Dadkii Kaamamkaas ku noolaa, balse Ciidanka Amniga ayaa gaaray Dalori, inkastoo aysan ku guuleysan waayeen inay wax ka qabtaan kooxihii weerarkaas geystay.

Qoysas ka badbaaday Weerarkaan oo gaaray magaalada Maidaguri ayaa iyaguna u sheegay War-fidiyeenka inay magan-galyo ahaan u galeen Saldhig ay Ciidanka Nigeria ku leeyihiin magaaladaas, si ay uga badbaadaan weerarro kale oo ay kooxdu kusoo Qaaddo Deegaanka.

Madaxa Hay’adda Gurmadka deg-degga ah ee Nigeria, Mohammed Kanar ayaa u sheegay Warbaahinta in maydadka 86-ruux laga tiriyay Goobta Aroornimadii Axadii shalay ahayd. Iyadoo sidoo kale uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Maidaguri in 62-ruux oo kale oo ku gubtay weerarkaas la dhigay si loo daweeyo.

Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ayaa waxay kordhiyeen Weerarrada Qaraxyada ah ee ay ka geysanayaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka Nigeria, illaa Sanadkii hore, kuwaas oo ku dileen tiro badan oo shacab iyo askar ah.

Ugu dambeyntii, Lixdii Sanadood o ee lasoo dhaafay Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ayaa waxay Weerarradii ay Fuliyeen ku dileen in ka badan 20,000 qof, iyagoo Guryahooda iyo Magaalooyinkoodii ka Barakiciyay Dad kor u dhaafaya 2.5-milyan, Kuwaas oo intooda badan ku noolaa Gobollada Waqooyi-bari Waddanka Nigeria.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya