4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2016
SAWIRRO: Urur dadaal weyn ugu jira ka gudbida Caqabadaha kala Sareynta Bulshada Soomaalida


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Boqolaal Soomaalida Ohio, Columbus ah ayaa kasoo qayb-galay kulan looga hadlayay sidii loo heli lahaa Soomaali Siman, taasoo Macnaheedu yahay in dadka Soomaaliyeed la gaarsiiyo jiritaan Umad mid ah oo aan kala sarayn.

Waxaa kulankan soo abaabulay Ururka Soomaali Siman oo ah urur ay dhidbeen ama aas aaseen aqoonyahano iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha Caalamka, kuwaas oo u istaagay sidii loo heli lahaa waxgard iyo bulsho u istaagta in dadka Soomaaliyeed laga saaro ama laga wacyigaliyo in aysan jirin dad kala sareeya ama kala fiican.

Waxaa ka hadlay Marti-sharaf ka kala timid gobollada Maraykanka iyo Canada kuwaasoo inta badan hadalladooda diirada ku saarayay sida Soomaaliya ay ku jirto dulmi ku qotoma kala sareyn aan sal iyo raad ku lahayn Umadda Soomaaliyeed qeyb ka mid ah, kuwaas oo loo arko in ay ka hooseeyaan kuwo kale.

Jiritaanka bulsho walba waa mid ku qotonta ilbaxnimo iyo aqoon dhamaan waxgaradkii ka hadlay ayaa isla qiray in Soomaalidu ay tahay dad aan aqoon taariikhdooda isla markaana bur-burkii uu sii cakiray kala Qoqobka Shacabka Soomaaliyeed oo Qaarkood Xaqoodii la duudsiyay.

Waxa la isla qiray in shirarkii Soomaaliya dibada loogu qaban jiray wixii ka horeeyay 2009 ay ahayeen kuwo Soomaalida lagu kala fogeeynayay laguna awoodsiinayay dadka qaar halka kuwo kale doorkoodii la aasay.

Prof: Abdi Kusow oo ka yimid gobolka Iowa ee dalkan Maraykanka kana mid ahaa aas aasayaashii ururka Somali Siman ayaa waxa uu xafladan ka soo jeediyay hadalo aad u kiciyay ka soo qeybgalayaasha isaga oo soo bandhigay sababaha keenay in somalida lakala sareeysiiyo iyo in aysan jirin Koox koox ka saraysa oo jirta kaliya mida lagu kala sareynkaraa waa aqoonta iyo dadnimada ayuu yiri isaga oo intaa raaciyay in dadkii aan ka qeyb qaadan dagaaladii Soomaaliya halkii loo abaan gudi lahaa loogu badalay in ay yihiin kuwo laga tiro badanyahay.

Kusoow ayaa ugu yeeray inta caqliga u saaxiibkaa in ay ku baraarugaan musiibada lagu dhex tuuray shacabka taas oo samayn doonta qoys walba hadii aan shacabka laga wacyi galin.

Ururka Somali Siman ayuu ku tilmaamay mid u taagan Soomaali mid ah oo aan kala sareyn isaga oo kulan dhanka kale uu la yeeshay ardada wax ka barata Jaamaca OSU ee magaalada Columbus na ku soo bandhigay dhibka qabyaalada iyo kala sareyntu ku hayso dadka iyo dalka Soomaaliya taas oo ay ardadii ka soo qeybgalay ku tilmaameen duulmi ayna u taaganyihiin siii looga hortagi lahaa.

Dr. Rasheed Farah oo isna ka yimi Gobolka Atlanta Georgia ayaa yiri " kala sareyntu mahan wax run ah ee waa wax shisheeye abuuray inaguna aan run moodnay ee waa in aan ku baraarugnaa in 4.5 aysan ahayn xal iyo muuqaal ka tarjumaya Soomaalinimo" Waxa uu intaa raaciyay Rasheed in Dadkii wax galka ahaa ay yihiin kuwa la leeyahay waxaa tihiin Bar taasina ay cawaaqib xumo ku tahay soo noqoshada Soomaali fiyoow.

Kulanka Soomaali Siman waxaa kale oo ka hadlay dad badan oo ay ka mid ahayeen. Sheekh Horsed Nux, Abdulahi Osman, Shaiif Ali Hashim, Khado Mohamed, Jacafar Mataan, Sadiq Abdi, Abdikadir Xuurka, & Shamso Bashiir, dhamaantood ayaa ka sinaa sida loogu bahanyahay in Somalia laga ciribtiro waxa looyaqaan kala sareyn ama 4.5 oo ah wax aan Diinta iyo dhaqanka raad ku lahayn.

Somali Siman waa kulankii labaad oo ay qabtaan waxana kan kii ka horeeyay lagu qabtay dalka Canada iyada oo gobolo kale lagu qaban doono kulamadan oo kale kadibna dalkii dib loogu celin doono si wacyi galin looga sameeyo.

Deeqo Shire (SONNA)
Hiiraan Online
Columbus, OH, USA
[email protected]