4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2016
MADAXWEYNE XASAN: Ciidanka AMISOM way ka wax-tar badan yihiin kuwa Qaramada Midoobay


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Dowladdiisu ay weli ku tiirsan tahay Ciidamada ka socda Dalalka Afrika qaarkood ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM).

Xasan Sheekh oo wareysi siinayay BBC ayaa ka hadlay waxqabadka ciidamada AMISOM iyo cida laga doonayo inay dhisto ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si xukuumaddu ay isku-fillaasho dhanka ciidamada ah u gaarto.

Su’aal ahayd in dowlada federaalka Somalia ay wali ku tiirsanaan karto ciidanka Midowga Africa ee Somalia jooga iyo in kale, ayuu kaga jawaabay inay si aad ah ugu Tiirsan yihiin, ayna ka wax-qabad badan yihiin Ciidamada QM ee Nabad-ilaalin ahaanta u jooga Dalalka calaamka qaarkood.

“Howlo aad u wanaagsan ayay ciidamada AMISOM Qabteen, Waanan ku tiirsan-nahay, maalintii ay imaanayeen iyo maanta Soomaaliya way kala duwan tahay, xaaladda Al-shabaabna way ka duwan tahay middii hore,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa wuxuu laba u qaybiyay dagaallada ka socda Soomaaliya, isagoo midka hore ku sheegay mid ay Adduunyada oo dhan si Saf ah ula Dagaallamayso Argagixiso, halka ka labaadna uu ku sheegay mid Somalia oo Kaashaneyso AMISOM ay kula dagaallamayaan Al-shabaab.

Madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa ku daray in mar haddii goob dagaal ay laba ciidan isaga hor-yimaadaan ay suuro-gal tahay in dagaalka ku jabo marba dhinac; taasoo qayb ka tahay xaaladaha dagaalka.

Waxaa kaloo madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kharashka howl-gallada ciidamada AMISOM iyo mudadooda oo dheeraatay ayuu yiri. ‘‘Sagaal sano ayay ciidanka AMISOM joogaan Somalia, waxaad eegtaa ciidamada QM, Immisa Sanno ayay joogaan Congo DR, Daarfuur iyo Buuraleyda Goolen, marka loo eego waxay qabteen 30-sanno iyo Ciidamada AMİSOM howsha ay dalka ka qabteen sagaalkaas snano ee ay joogeen, runtii waa horumar aad iyo aad u weyn ayay gaareen, way dhismayaan ciidamada Soomaaliya marka dhamey-stirmo ayaa tirada ciidamadaas la dhimi doonaa.”

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa ku eedeeyey Soomaalida inay gacmahooda ku burburiyeen guryahoodii iyo dowladnimadi Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan dhismaha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

“Qof walba oo Somali ah Mas’uuliyad ayaa ka saaran Dhismaha Dalkooda, Waayo iyagaa iska leh, Dalku haddii uu dumay; iyagaa gacnahoda ku dunsaday, Annaga dalkaan joognay Dadka Soomaalida mid qori tuuraya mid Xabbad ridaya iyo mid Qalbka ka Jecelaa ayaa la ahaa, marka maanta waan garanay inaan qaldannay waana kasoo noqonay, ciidamadeenna iyo dalkeenna inaan dhisanno - innagaa nalaga doonayaa, Mas’uuliyaddana innagaa leh oo eedda yaan dad kale saarin,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan ayaa Tiradoodu waxay ka badan tahay 22,000 oo Askari, kuwasaoo ka socda shan dal oo ay ka mid yihiin; Itoobiya, Kenya, Uganda, Jabuuti iyo Burundi, waxaana ciidamadan ay ka billaabeen howlgalkooda Somalia sannadkii 2007-dii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya