4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2016
Beello mudo dheer colaad u dhaxeysay oo ku baaqay nabad aan sharuud laheyn gobolka Sool


Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) -Mid ka mid ah laba beelood oo colaad 12 sano ka badan u dhexaysay ayaa ku baaqday Shalay nabad aan shuruud lahayn kulan ay ku yeesheen magaalada Kalabaydh oo 30KM. galbeed kaga aadan Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

Beeshan oo shir mudo todobaad ku dhow uga socdey Kalabaydh ayaa waxaa qayb ka ahaa Cuqaal, Siyaasiyiin iyo Indheergaradba, kaas oo lagu gorfaynayey colaada mudada dheer ku soo noqnoqonaysey iyo sidii xal kama danbays ah looga gaadhi Lahaa.

Shirkan oo ay ka hadleen inta badan Cuqaasha beeshaasi Maxamed Garaad ayaa waxa ay ku sheegeen in ay ka go’an tahay nabad ay la qaataan beesha ay ood wadaagta yihiin ee Cabdi Garaad.

“Waxaan go’aansanay in aan qaadano nabad aan shuruudi ku xirneyn, waxaan kaloo isla qaadanay in xabad joojin dhab ah oo aan ka qaadanay colaada degaanadan ka taagnayd mudada dheer” sidaa waxaa yiri caaqill C/kariin Axmed Saleebaan Mursal, isagoo intaas raaciyey in beesha wallaalahoodna ay ka sugayaan in ay la qaataan nabadaas ay beel ahaan qaateen.

Waxaa iyaguna ka mid ahaa cuqaashii halkaasi ka hadashay caaqil Maxamed Axmed Maxamed, C/laahi Xassan Yarre, Caaqil Maxamed Maxamuud Ciise iyo nin garbood door ah oo dhamaantood isku daba maray adkaynta nabada iyagoo ku celcelinayey inay nabad dhab ah oo wax ku xeeran jirini ay diyaar ka tahay.

Xildhibaan Maxamed Xasan Axmed “Dhakool” ayaa isaguna hadal uu halkaasi ka soo jeediyey waxa uu si aad ah ugu dheeraaday xidhiidhkii u dhaxayn jirey labada beelood iyo qasaaraha haatan haysta labada dhinac, in xiligan ka dib aan la sii dhawran karina waa uu tilmaamay xildhibaan Dhakool.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir ayaa waxa uu halkaasi ka balan qaaday in ay maamul ahaan illaalinayaan xabad joojintan ayna isku deyayaan sida ugu haboon ee nabad sal buuxa ku fadhida loo gaadhi lahaa.

Gudoomiya oo soo noqodkiisii u waramey HOL ayaa waxa uu sheegay in beeshani ay sameeyeen gudiyo wacyigelineed oo u kala baxay degaanada beeshani degan yihiin si ay dadka u gaadhsiiyaan guud ahaan hadafka laysla qaatay iyo sidii xabad joojinta looga dhabayn lahaa.

Dhinaca Kale Beesha Cabdi Garaad ayaa kulan ay ku yeesheen manta magaalada Laascaanood waxa si aan shuruudi ku xidhnayn ay u aqbaleen baaqa ka yimi beesha ay colaadu dhextaaley mudada dheer.

Intabadan Cuqaasha Beesha oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Yaasiin Diiriye Geydhe, Caaqil Iidle Maxamed Cismaan, Caaqil Shaqale C/laahi Khaawi, Ganacsato, Culimada Diinta iyo Waxgarad halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood si buuxda u soo dhoweeyey sidii xal kamadanbaysa looga gaadhi lahaa dhibaatadda dhex taala labada beelood, waxaanay ku dheeraadeen dhibaatooyinka colaadani sababtay iyo qasaaraha soo gaadhey labada dhinacba.

“Waxaan soo jeedinayaa in uurka iyo afka lays waafajiyo oo nabada laga run sheego, waxaan saas u leeyahay waxaa xalka labada beelood loo gaadhi waayey niyada Ayaan saafi ahayn, lama hadlayo dhinaca ee waxaan la hadlayaa labada dhinacba” sidaa waxaa yidhi Wakiil Garaad Jaamac C/raxmaan Buraale, isagoo intaas raaciyey in xili aad u liita lagu jiro hadii towbad lala yimaadana Illaahay u naxariisan doono.

Degaanada Dharkayn-geenyo, Dabataag, Dhumay oo K/Galbeed kaga aadan degmada Laascaanood ayaa mudo rubuc qarni ku dhow xiisad colaadeed ka taagnayd taas oo waxyeelaysay Bololaal qoys, barakicisayna kumaakun qoys, waxaana bishan xaalku gaadhey in la laayo dumarka iyo caruurta taas oo aan horey degaamadan uga dhicin.

Si kastaba ha ahaatee talaabo geesinimo leh ayaa lagu tilmaamay iyadoo dhinaca kalena laga filaayo jawaab taasi la mid ah, iyadoo horey inka badan 20 jeer la isku deyey in la dhameeyo colaadan lagu guuldareystay, waxaase tani kaga duwanaan kartaa waa mid beelaha laftooda ka imaanaysa.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G.Sool