Arbaco, August 31, 2016
(HOL) — Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa maanta ka hadashay xariga loo
gaystay qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr oo ku xidhan magaalada Hargeysa, kaasi
oo maalmihii u dambeeyey wax ka qoray madaarka Hargeysa.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka ayaa lagu sheegay inay xaruntu codsanayso in la sii daayo Muwaadinkaas xidhan, waxaanu u dhignaa War-saxaafadeedku sidan:“Waxa 20-kii August 2016 lagu xidhay magaalada Hargeysa Siciid Maxamuud Gahayr oo ah nin qoraa ah. Siciid xadhigiisa waxa lala xidhiidhiyay qoraalo uu qoray oo ay ka mid yihiin kuwo baraha bulshada lagu qoray.
Waxa af-hayeen u hadlay Booliisku sheegay in loo haysto Siciid “falal nabad gelyo darro ah oo wax u dhimaya qaranka Somaliland.” Kuwaas oo ay ka mid yihiin qoraalo uu ku qoray baraha bulshada iyo kulanno uu qabtay, sida uu ku dooday Booliisku.
Xadhiga Siciid wuxuu dhacay kadib qoraalo isdaba joog ah oo uu kaga faalooday arimo la xidhiidha Gegida Diyaaradaha ee Cigaal (Hargeysa) iyo dhulka ka ag dhow garoonka.
Sida ku cad Qodobka 32-aad ee Dastuurka Somaliland, Muwaadin kastaahi Wuxuu Xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa soo bandhigo. Sidoo kale dastuurku wuxuu ballan qaaday in dadku ka qayb qaadan karaan kulanno.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa xadhiga loo gaystay qof aragtidiisa dhiibtay. In qof loo qabto arin la xidhiidha qoraalo baraha bulshada lagu qoray waa walaac hor leh, waana arin waxyeelo u gaysan karta xorriyadda aragti dhiiibashada.
Xaruntu waxaay ka codsanaysaa Xukuumadda Somaliland inay Xorriyadiisa u celiso Siciid Maxamuud Gahayr.”ayuu yidhi Axmed Xuseen Cabdi Isu-duwaha Barnaamijyada Xarunta Xuquuqal Insaanka
Sidoo kale, waxay cambaareeyeen in qof shicib ah aanay maxkamaddi military xukunkiisa qaaddi karin, isla markaana Cambaareeyay shacab ay sheegeen in ay Dacwadoodda qaaday maxkamadda militariga.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland