SAWIRRO: Madaweynaha Somalia oo ka Qayb-galay Janaasada Ciidamadii ku Dhintay Qaraxii Muqdisho
Arbaco, August 31, 2016
(HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb-galay Salaaddii
Janaasada ciidan ka tirsan kuwa qalabka sida ee Somalia oo shalay ku dhintay
Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay
Al-shabaab.
Xasan Sheekh ayaa ALLE uga
baryey askartan inuu Janadii Fardowsa ka Waraabiyo, sidoo kalena wuxuu u
duceeyay dhammaan dadkii ku Geeriyooday Qaraxii shalay; isagoo kuwa
dhaawacmayna caafimaad deg-deg ah uga baryay ALLE.
“Waxaan u Tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed, Gaar ahaan ehelladdii Qarabadii ay ka baxeen dadkii isugu
jiray shacabka iyo ciidamada ee ku dhintay qaraxii cadawgu ka geystay Muqdisho
, Alle ha u naxariisto inta dhimatay, kuwa dhaawaca ahna Alle ha caafiyo,” ayuu
yiri Madaweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale, Madaxweynaha
ayaa sheegay in Cadowga ummadda dhibaatooyinka ku haya ee sida naxariis-daradda
ah kula dhaqmaya, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa idin ka guuleysan
doonaa.
Madaxweynaha Somalia ayaa xusay
in Dowladda Somalia ay daryeeleyso Qoysaska ay ka tageen Ciidamadii Qaraxii
shalay ku Geeriyooday; iyagoo Difaacaya Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda, isla
markaana ay bixinayso deymaha lagu leeyahay.
Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta
Dowladda Federaalka ayaan sheegin tirada ciidamadii lagu dilay Qaraxii shalay
Muqdisho ka dhacay ee maanta la aasay, waxaana Qaraxan sheegatay mas’uuliyaddiisa Al-shabaab oo
dagaal kula jirta DF Somalia iyo Ciidamada AMISOM.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya