4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2016
Koox hubeysan oo goor-dhaw ku dilay Nabadoon Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beleweyne
/images/2011/Dec/BeledWeyne.jpgArbaco, August 31, 2016 (HOL) — Rag bastoolado ku hubeysanaa ayaa goor dhaw xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne ku dilay Nabaddoon lagu magacaabi jiray, Cabeey Aadan oo ka mid ahaa odayaasha magaalada.

Sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah, Nabaddoonkan ayaa waxaa toogtay labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa, xili uu marayay martamaha suuqa xaafadda Howl-wadaag, kuwaa oo markiiba goobta  baxsaday.

Ugu dambeyntii , Ciidamada ayaa Gaaray halka ay Toogashada ka dhacday, inkastoo aysan u suurtagalin ay qabtaan raggii toogashda geystay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne - Soomaaliya