4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2016
WASIIRKA AMNIGA: Milkiilayaasha Hoteellada waa inay sugaan Ammaanka Hoteelladooda
/images/gallery/2015696356944475485018209.JPGArbaco, August 31, 2016 (HOL) — Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda FS, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in milkiilayaasha hoteellada uu mas’uul ka saaran yahay amniga shacabka iyo dadka kale ee tagaya hoteelladooda, wuxuuna xusay inaanay hay’adaha amniga Dowladda Somalia dusha loo saari karin haddii ay dhibaato ka dhacdo hoteellada.

Mudane C/risaaq Cumar ayaa, intaas ku daray in horay milkiilayaasha hoteellada ay ku war-geliyeen inay sameystaan ciidamo gaar ah, isla markaana gudaha hoteelka ka dhex sameystaan difaac labaad, si ay uga hor-tagaan weerarro haddii hoteelada lagu soo qaado.

“Dadka hoteellada dagaya iyo shacabka kale ee imanaya amnigooda waxaa sugaya hoteelka, haddii uusan amaanka sugi karin ha sheegaan, mana ahan in mas'uuliyadda dusha laga saaro hay’adaha amniga, Waxaana la doonayaa in Amnigooda ay sugaan, sidii ay doonaan ha ku sugaane,” ayuu yiri wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in mar hore ay Wasaaradda Amniga u soo Bandhigtay Siyaasad ku aaddan Sugidda Amniga, isagoo xusay in Golaha Wasiirrada ay ka ansixiyeen sida uu yiri.

Hadalka Wasiirka Amniga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay Hoteelka SYL oo ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya lagu Weeraray Qarax is-miidaamin ah oo khasaare aad u badan dhaliyay, iyadoo la sheegay in wasiirka iyo Taliyaha Booliska Somalia ay ka baxeen hoteel daqiiqado ka hor intii uusan qaraxu dhicin.

Dhanka kale, Hay’adda Amniga Dowladda Smalia ayaa horay lagu dhaliilay inay wax ka Qaban waayeen Weerarrada Al-shabaab ay ku qaadaan Hoteellada Muqdisho, inkastoo ay laamaha amnigu sheegaan inay dadaal badan muujiyaan si looga hortago falalka weerarrada ah ee ay geysanayso Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Al-shabaab ayaa u muuqata inay xoojisay eerarada ay Hoteellada ku yaalla Muqdisho ku beegsanayaan, iyadoo qaraxii shalay uu noqonayo kii labaad oo ay Hoteellada Muqdisho la beegsadaan muddo toddobaad gudihiis ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya