Arbaco, August 31, 2016 (HOL) —Dowladda Turkiga ayaa si adag u canbaaraysay Qaraxii
shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ,kaasi oo sida la sheegay ay ku dhinteen
dad kor u dhaafaya labaatameeyo qof ,isla markaana ay ku dhawacmeen mas’uuliyiin
ka tirsan dowladda.
“Turkigu waxa uu saaxiib iyo walaalba la yahay dadka
Soomaaliyeed ,waxaana ka go’an in uu taageero walba siiyo Somalia si loo gaaro
xasilooni “ ayaa lagu yiri war- kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee
dowladda Turkiga.
Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa tacsi u dirtay dhamaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxan
oo ahaa mid xoogan ,isla markaana ay sheegatay xarakada Al-shabaab oo dagaal
kula jirta dowladda Soomaliya iyo waliba ciidamada AMISOM.
Ururka Al-shabaab ayaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo
buux-shay la eegatay afaafka hore ee Hotelka SYL oo ay dagan-yihiin xubno ka tirsan dowladda
Somaliya iyo waliba qaar kamid ah dimplumaasiyiinta shisheeye ee ka howl-gala magaalada
Muqdsho.
“Waxa ay ahayd xaalad aad u daran , ma garanayo xiliga uu
dalkan heli doono nabad “ ayuu Cali Cadde u sheegay wakaaladda wararka ee
Turkiga in yar ka dib markii uu dhacay qaraxii shalay ,waxaana uu kamid yahay
ganacsato dukaamo yar-yar ku leh meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.
Ugu danbayn,Dowladda Turkiga ayaa dhinacyo badan ka
taageerta dowladda Soomaliya ,waxaana Somalia ay kamid ahayd dhowr dowladood oo Afrikaan ah ,kuwaasi oo si
adag uga hor-yimid inqilaabkii fashilmay ee bilo ka hor ka dhacay dalka Turkiga.
Faysal M. Hassan
[email protected]