4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2016
Xukuumadda Washington oo Malaayiin Doollar ku bixinaysa Xoojinta Waxbarashada Somalia

Arbaco, August 31, 2016 (HOL) — Xukuumadaha Somalia iyo Mareykanka ayaa ku kala saxiixday Muqdisho heshiis lagu horumarinayo Waxbarashada Somalia, iyadoo dowladda Mareykanka ay ballan-qaadday inay ku bixinayso Waxbarashada Somalia lacag dhan 64-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Heshiiskan waxaa Dowladda Maraykanka u saxiixay Safiirka Dalka Mareykanka, Stephen Schwartz iyo kaaliyaha maamulka Afrika ee hay’ada USAID, Linda Etim, iyadoo uu dhanka dowladda Dowladda Somalia uu u saxiixeen Wasiirka Waxbararashada xukuumada Somalia, C/qaadir Cabdi Xaashi iyo Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim.

Mas’uuliyiinta Xukuumadda Washington u saxiixay heshiiskan ayaa xusay inuu mashruucan yahay mid lagu kobcinayo Waxbarashada Soomaaliya - iyagoo sheegay inay ka go’an tahay horumarinta aqoonta sare ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in mashruucan uu yahay mid aad loogu baahnaa, wax badanna ka qaban doono Waxbarashada dalka.

”Heshiiskaan muhiim ayuu u yahay Somalia, Dadaallo badan ayaana ku bixinay sidii uu u hirgeli lahaa, waxaana uga mahad-celinaynaa Hay’ada USAID Taageerada ay mar walba la garab-taagan tahay Somalia,” ayuu yiri C/qaadir Cabdi Xaashi.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii uu dalku burburka galay waxaa si aad ah Hoos ugu dhacay tayadii Waxbarashada dalka, inkastoo ay jiraan Dadaallo la bixiyay oo si sare loogu qaado aqoonta dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya