4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2016
Dawlada Jubaland oo kasoo horjeesatay soo celinta qaxootiga Dhadhaab

Arbaco, Agoosto 31, 2016 (HOL)-Dawlad goboleedka Jubaland ayaa kasoo horjeesatay soo celinta qaxootiga Dhadhaab lagu soo celinaayo qaarkood Jubaland.

Shalay ayaa waxaa qaxooti badan oo laga qaaday Dhadhaab waxay ku xayirmeen Dhoobley oo kutaala xadka Kenya iyo Soomaaliya kana tirsan Jubaland kadib markii warkaasi soo baxay.

Waziirka arimaha gudaha ee Jubaland, Maxamed Darwiish ayaa sheegay in dawlada Kenya iyo UNHCR ay meeshaa un soo dhoobeen qaxootiga ayagoon samayn wax hab ah oo dib u dajineed oo munaasab ah.

'Meel bannaan ah ayaa qaxootiga lagu daadshay. Xaaladaa kuma heyn karno. Magaaladeena ugu weyn ee Kismaayo waxaa ka buuxa qaxooti lasoo ceshay. Waxaanu door bidnay inaan ku heyno xarumo kumeel gaar ah oo xadka kuyaala ilaa xaaladu soo hagaagto'. Sidaa ayuu yiri waziirku.

Wuxuu intaa ku daray inay nolol wanaagsan qaxootigu ku heysteen Dhadhaab  laakiin hada aysan waxba heleyn.

Wuxuu kaloo sheegay in dawlada Jubaland ay ka walaacsan tahay in dad dhallinyaro ah oo badan oo lasoo celiyay oo barakacsan ay soo kordhin karaan halis ammaan darro oo weyn.  

UNHCR iyo dawlada Kenya ayaa hadba qaar celiya qaxootiga Dhadhaab waxaana UNHCR sheegtaa in dhammaan qaxootiga la celinaayo ay si iskood ah u dalbadeen in dalkooda Soomaaliya loo celiyo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]