SH. CALI DHEERE: Shacabka ha ka fogaadaan Meelaha lagu bixiyo Kaararka Aqoonsiga
Arbaco, August 31, 2016
(HOL) — Al-Shabaab ayaa markii u horeysay waxay ka hadashay qaadashada Kaararka
aqoonsiga ee bixintooda uu billaabay maamulka gobolka Banaadir, iyago uga digay
shacabka inay qaataan kaararkaas oo ay ku tilmaameen kuwo la doonayo in
shacabka lagu shirqoolo.
Afhayeenka guud ee Al-shabaab
Sh. Cali Dheere ayaa sheegay inay uga digayaan bulshada ku nool Muqdisho inay
qaataan Kaarka Aqoonsiga oo uu sheegay inay dhici karto inay dhibaatooyin uga
yimaadaan.
“Waxaa shacabka Muqdisho ku
nool iyo kuwa kalena u sheegaynaa inay inaysan ku kadmin oo ay ka fogaadaan meelaha
kaararka aqoonsiga lagu jaro, ujeeddooyinka laga leeyahay kaararkan way fara
badan yihiin waxaana ka mid ah in la ogaado xogta dadka muslimiinta ah si
gaalada loogu gacan-geiyo,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale, Afhayeenka Al-shabaab
ayaa intaas ku daray inay beegsan doonaan goobaha ay ka socdaan bixinta
kaararka Aqoonsiga, isagoo ugu baaqay shacabka Muqdisho inay ka fogaadaan
goobahaas.
Dhinaca kale, Sh. Cali
Dheere ayaa ka hadlay Qaraxii Hoteelka SYL lala beegsaday, isagoo sheegay in
hoteelka uu ahaa meel laga soo maleego sharta muslimiinta lagu waxyeelleeyo.
Afhayeenku wuxuu intaas ku
daray n Hoteelka xilliga Qaraxa uu ka dhacayay ay ka socdeen shirar ay
lahaayeen Wasiirrada iyo Xildhibaannada iyo Xubnaha Dowladda, uuna weerarku
ahaa is-miidaaminta lagu dilay 40-meeyo ruux , halka dhaawaca uu 70-meeyo kale.
Ugu dambeyn, Afhayeenka Ururka Al-shabaab,
Sh. Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka Soomaalyieed inay ka fogaadaan Baararka
iyo Hoteellada ku yaalla Muqdisho ee ay ku sugan yihiin Mas’uuuliyiinta Dowladda
Federaalka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya