SAWIRRO: Cali Xaaji Warsame oo Maanta gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne
Talaado, August 30, 2016
(HOL) — Waxaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne siyaasiga
Cali Xaaji Warsame oo wasiirka waxbarashada ka soo noqday dowlad gobolleedka
Soomaaliyeed ee Puntland.
Siyaasiga oo booqasho salaan
ah markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ugu tagay Ugaas Xassan Ugaas
Khaliif, ayaa warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in uu ka mahad celinayo
sidda ballaaran ee loogu soo dhaweeyay magaalada.
“Waxaan ka mid ahaa dadkii
aan ka qeyb-gallin calleemo saarkii Ugaaska, laakiin maanta nasiib u yeeshay in
uu la kulmo, inta aan ka ogyahay Ugaaska waxaa uu ka soo jeeddaa Ugaas Khaliif
Ugaas Rooble oo ahaa Ugaas Soomaaliyeed, socdaalkeenana waxaa uu ahaa in aan
Ugaaska soo salaanno, runtiina siddii aan ka fileynay si ka heersareysa ayaa naloo
soo dhaweeyay, ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.
Dhinaca kale mar uu ka
hadlayay taariikhda gobolka Hiiraan iyo Beledwyene, ayuu sheegay in la oran
karo gobol sal dhig u ahaa dowladnimadii Soomaaliya, madaama ay ka soo jeedaa
inta badan hogaamiyayaashii magaca lahaa ee soo maray dalka.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif
oo isagana goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay siyaasiga iyo mas'uuliyiintii la soctay,
isaga oo ku baaqay midnimo Soomaaliyeed.
''Waxaan leeyahay dadku waa
inuu u midoobaa nabadada, hormar iyo in cadaallada laga shaqeeeyo, haddii aan
intaa la helin wax hagaagayaahi ma jiraan'' ayuu Ugaas Xasan yiri.
Wafdiga maanta gaaray
magaalada Beledweyne ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee ka socda maamulka Puntland
oo waayadii ugu danbeeyay soo gaara gobolka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya