4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2016
SAWIRRO: Cali Xaaji Warsame oo Maanta gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne

Talaado, August 30, 2016 (HOL) — Waxaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo wasiirka waxbarashada ka soo noqday dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Siyaasiga oo booqasho salaan ah markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ugu tagay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ayaa warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in uu ka mahad celinayo sidda ballaaran ee loogu soo dhaweeyay magaalada.

“Waxaan ka mid ahaa dadkii aan ka qeyb-gallin calleemo saarkii Ugaaska, laakiin maanta nasiib u yeeshay in uu la kulmo, inta aan ka ogyahay Ugaaska waxaa uu ka soo jeeddaa Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaas Soomaaliyeed, socdaalkeenana waxaa uu ahaa in aan Ugaaska soo salaanno, runtiina siddii aan ka fileynay si ka heersareysa ayaa naloo soo dhaweeyay, ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay taariikhda gobolka Hiiraan iyo Beledwyene, ayuu sheegay in la oran karo gobol sal dhig u ahaa dowladnimadii Soomaaliya, madaama ay ka soo jeedaa inta badan hogaamiyayaashii magaca lahaa ee soo maray dalka.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo isagana goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay siyaasiga iyo mas'uuliyiintii la soctay, isaga oo ku baaqay midnimo Soomaaliyeed.

''Waxaan leeyahay dadku waa inuu u midoobaa nabadada, hormar iyo in cadaallada laga shaqeeeyo, haddii aan intaa la helin wax hagaagayaahi ma jiraan'' ayuu Ugaas Xasan yiri.

Wafdiga maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee ka socda maamulka Puntland oo waayadii ugu danbeeyay soo gaara gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya