SAWIRRO: Dufcaddii 16-aad oo Maanta si rasmi ah uga Qalin-jabiyay Jaamacadda Muqdisho
Talaado, August 30, 2016
(HOL) — Dufcaddii 16-aad ee Arday h oo Jaamacadda Muqdisho ka Qalin-jabiya, ayaa maanta Xaflad loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka Qayb-galeen maamulka,
macallimiinta hawl-wadeennada kale ee Jaamacada, Waalidiin, Arday iyo marti-sharaf
kale.
Guddoomiyaha Guddiga sare ee
Jaamacadda Muqdisho, Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyow) oo ka
hadlay munaasabadda ayaa yiri. “Maanta xafladdaan aan joogo waxay ii leedahay
laba xusuus oo muhiim ah... Midda koowaad Furitaankii Jaamacadda Muqdisho waxay
ahayd riyo laakiinse waxay isku bedeshay farxad iyo horumar, ardayda maanta
qalin-badalanaysa waxaa loo jeexay waddo waxaase laga rabaa in ay Waddadaas
toosiyaan kana ilaaliyaan Qodxaha.”
Sidoo kale, Mid ka mid ah
ardaydii qalin-jabisay oo ka hadlay xafladda ayaa wuxuu yiri. “Waxyaabaha ay
goonida u tahay Jaamacadda Muqdisho waa inay nidaamsan yihiin wax walba oo la
qabanayo, waxbarashada waxaa dheeri nooga ahaa in nala baray nidaam iyo maamul
dheeri ah.”
Agaasimaha Machadka Heritage
ee Muqdisho kuna hadlayay magaca Ururka Jaamacadaha iyo ururada cilmi-baarista ee SomaliRen, C/rashiid Khaliif ayaa u mahad-celiyay
Jaamacada Muqdisho oo ku tilmaamay inay tahay hooyadii Waxbarashada Wadanka iyo Rajadii Dadka Soomaaliyeed, sababtoo ah buu yiri xilli dadka ay rajo beel ku jireen
ayay u Abuurtay Rajo, wuxuuna ku ammaanay hawl-qabadkeeda dheeriga ah iyo
waxbarashada tayaysan.
Sheekh Maxamed Cali Caadle oo
ku hadlay afka waalidiinta ardaydii Qalin-jabinayay ayaa u mahad-celiyay mas’uuliyiinta
Jaamacadda Muqdisho, isagoo sheegay in wax badan ay bulshada u qabteen, aysanna
illaabi doonin.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha
Jaamacada Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar oo ka hadlay xafladda ayaa
sheegay in furitaanka Jaamacadda Muqdisho ay kasoo billaabatay 1993-kii, isagoo
xusay inaysan la taahin Jaamacadda dhamaystir bay u ahayd ee ma ahayn bilaw.
“Dadka Waxa dila... waxaa ugu weyn waa Jahliga, Waxaana
mudan in loo Mahad-celiyo waalidka oo gacan wanaagsan ku lahaa jiritaanka
Jaamcadda Muqdisho. Kuma faraxsanin Jaamacado aan tayo lahayn inay dalka ka furmaan
balse waanu soo dhawaynaynaa in la furo Jaamacado kale,” ayuu yiri Dr. Cali
Sheekh.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, ayaa
kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa dardaaran uu kula dardaarmayay ardayda
qalin-jabisay, wuxuuna sheegay inay waxbarashadooda halkaas kasii wadaan, iyadoo
ardaydii qalin-jabiyay goobta shahaadooyinkoodii lagu gudoonsiiyay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya