DANJIRE MATHEWS: Ingiriisku Mowqif Cad ayuu ka leeyahay Dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka
Talaado, August 30, 2016
(HOL) — Safiirada Ingiriiska u joogta Somalia, Harriet Mathews, ayaa sheegtay
in haddii doorashadda madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland dib uga dhacaan
wakhtigii loo qorsheeyey ay sumcad xun ku tahay Dimuqraadiyadda iyo Geeddi-socodka Somaliland.
Danjire Harriet Mathews ayaa
sidaas ka sheegtay markii ay soo dhamaystay kulamo ay la lahayd xukuumada,
gudoomiyaha maxkamada sare iyo xisbiga taladda haya ee KULMIYE, waxaanay
sheegtay inay Somaliland balan la qaateen taasoo ah in Doorashadda mar la wada
qabto, isla markaana waqtigeeddii ku dhacaan, taas oo u soo jeedisay inay
ballantii sideedda la fuliyo.
“Mawqifkayagu aad buu u
cadyahay. Balan ayaa la galay ahayd in Doorashooyinka mar la wada qaban doono, waxaanan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland in laga dhabeeyo go’aankaas oo laga shaqeeyo.” ayay tidhi
safiiraddu, iyadoo ku adkaysay inay tahay lagama maarmaan in wakhtigii loo
asteeyey doorashaddu dhacdo.
Safiiradda waxay intaas ku
dartay in caqabadda kaliya ee dib u keeni karta tahay saami qaybsiga kuraasta
Baarlamaanka, haseyeeshee haddii la dadaalo arrintaasi la dhamayn karo.
“Ingiriisku mawqif cad ayuu
ka leeyahay arrimaha doorashooyinka. Dib u dhac ku yimaada doorashooyinku wuxuu
dhaawacayaa kalsoonida iyo sumcadda Somaliland. Jaaliyadda dibadda oo aan
London kula kulmay laftoodu waxay ii sheegeen inaanay doonayn inay doorashadu
dib u dhacdo.” Intaas ku dartay.
Dhinaca kale, Safiiraddu
waxay kulan gaar ah la yeelatay xisbiga taladda haya ee kulmiye, waxaanay ka
wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo dib u dhaca la hadal hayo.
Kulanka safiiradda iyo
xisbiga KULMIYE waxa war-saxaafadeed ka soo saaray afhayeenka xisbigaaasi Xasan Gaafaadhi, waxaanu u qornaa sidan
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo uu weheliyo Guddoomiye-ku-xigeenka
labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxay weftiga
Safiirka la yeesheen kulan saacado qaatay oo ka dhacay huteelka Ambassador ee
caasimadda Hargeysa, kaas oo ay kaga wadahadleen arrimo ku saabsan danaha
labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska iyo waxyaabaha ay ka wadashaqeeyaan.
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka
Somaliland iyo Safiirka Ingiriisku waxay iska waraysteen xaaladdaha guud ee
Mandaqada, qaddiyadda Somaliland iyo dhinacyada dawladda Ingiriiska iyo guud
ahaan beesha caalamku kala shaqeeyaan Somaliland sidii loo sii horumarin lahaa.
Labada dhinac waxay si
xoogga ah uga wadahadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada
iyo Golaha Wakiillada iyo u diyaargarowga qabsoomidooda.
Guddoomiyaha KULMIYE Mudane,
Muuse Biixi waxa uu u sheegay in hawlaha loogu diyaaragaroobayo doorashooyinku
gabogabo yihiin, maadaama diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinku
dhammaad ku dhawdahay oo uu socdo gobolkii u dambeeyey oo ah Sool. Waxa kaloo
uu u caddeeyey weftiga Ingiriiska mowqifka xisbiga iyo xukuumaddiisu inuu yahay
in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda bisha March 2017, isl markaana ay
horeba u dhammaystireen oo aanay waxba ka qabyo ahayn doorashada Madaxtooyada,
balse caqabadda keliya ee jirtaa ay ku kooban tahay doorashada Golaha
Wakiillada oo xeerkii lagu dooran lahaa xildhibaannadu aannu weli diyaar ahayn.
Qodobada kale ee
masuuliyiinta KULMIYE iyo Safiirku ka wadahadleen waxa ka mid ahaa
wadahadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo horumarin laga sameeyo
gobollada bari ee Somaliland, iyadoo la qiimaynayo diiwaangelinta
codbixiyayaasha ee ka hirgashay iyo shirarka wadahadallada wax-wada-lahaanshaha
iyo nabadda ah ee u socda shacabka deegaanadaasi iyo dawladoodda.
Dhankeeda Safiirka
Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews oo ay wehelinaysay
sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaradda UK ee Itoobiya Lizzie
Lovett, waxay ka mahadceliyeen soo dhawaynta iyo kulanka ay la yeesheen
hoggaanka xisbiga KULMIYE.
Harriet Mathews waxay soo
dhawaysay dadaallada xisbal-xaakimka Somaliland iyo xukuumaddiisu wadaan iyo
mowqifka cad ee rabitaankooda doorashooyinka oo ku dhaca waqtigooda.
Ugu dambeyn, Waxaa kaloo safiirku
xustay in xukuumadda UK ay ka go’antahay sii wadidda taageerada hannaanka
dimuqraadiyada Somaliland iyo horumarinta adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha
dhaqaalaha ee dalka.”
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland