4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2016
DANJIRE MATHEWS: Ingiriisku Mowqif Cad ayuu ka leeyahay Dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka
Talaado, August 30, 2016 (HOL) — Safiirada Ingiriiska u joogta Somalia, Harriet Mathews, ayaa sheegtay in haddii doorashadda madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland dib uga dhacaan wakhtigii loo qorsheeyey ay sumcad xun ku tahay  Dimuqraadiyadda iyo Geeddi-socodka Somaliland.

Danjire Harriet Mathews ayaa sidaas ka sheegtay markii ay soo dhamaystay kulamo ay la lahayd xukuumada, gudoomiyaha maxkamada sare iyo xisbiga taladda haya ee KULMIYE, waxaanay sheegtay inay Somaliland balan la qaateen taasoo ah in Doorashadda mar la wada qabto, isla markaana waqtigeeddii ku dhacaan, taas oo u soo jeedisay inay ballantii sideedda la fuliyo.

“Mawqifkayagu aad buu u cadyahay. Balan ayaa la galay ahayd in Doorashooyinka mar la wada qaban doono, waxaanan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland in laga dhabeeyo go’aankaas oo laga shaqeeyo.” ayay tidhi safiiraddu, iyadoo ku adkaysay inay tahay lagama maarmaan in wakhtigii loo asteeyey doorashaddu dhacdo.

Safiiradda waxay intaas ku dartay in caqabadda kaliya ee dib u keeni karta tahay saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka, haseyeeshee haddii la dadaalo arrintaasi la dhamayn karo.

“Ingiriisku mawqif cad ayuu ka leeyahay arrimaha doorashooyinka. Dib u dhac ku yimaada doorashooyinku wuxuu dhaawacayaa kalsoonida iyo sumcadda Somaliland. Jaaliyadda dibadda oo aan London kula kulmay laftoodu waxay ii sheegeen inaanay doonayn inay doorashadu dib u dhacdo.” Intaas ku dartay.

Dhinaca kale, Safiiraddu waxay kulan gaar ah la yeelatay xisbiga taladda haya ee kulmiye, waxaanay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo dib u dhaca la hadal hayo.

Kulanka safiiradda iyo xisbiga KULMIYE waxa war-saxaafadeed ka soo saaray afhayeenka xisbigaaasi  Xasan Gaafaadhi, waxaanu u qornaa sidan Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo uu weheliyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxay weftiga Safiirka la yeesheen kulan saacado qaatay oo ka dhacay huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, kaas oo ay kaga wadahadleen arrimo ku saabsan danaha labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska iyo waxyaabaha ay ka wadashaqeeyaan.

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland iyo Safiirka Ingiriisku waxay iska waraysteen xaaladdaha guud ee Mandaqada, qaddiyadda Somaliland iyo dhinacyada dawladda Ingiriiska iyo guud ahaan beesha caalamku kala shaqeeyaan Somaliland sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada dhinac waxay si xoogga ah uga wadahadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo u diyaargarowga qabsoomidooda.

Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi waxa uu u sheegay in hawlaha loogu diyaaragaroobayo doorashooyinku gabogabo yihiin, maadaama diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinku dhammaad ku dhawdahay oo uu socdo gobolkii u dambeeyey oo ah Sool. Waxa kaloo uu u caddeeyey weftiga Ingiriiska mowqifka xisbiga iyo xukuumaddiisu inuu yahay in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda bisha March 2017, isl markaana ay horeba u dhammaystireen oo aanay waxba ka qabyo ahayn doorashada Madaxtooyada, balse caqabadda keliya ee jirtaa ay ku kooban tahay doorashada Golaha Wakiillada oo xeerkii lagu dooran lahaa xildhibaannadu aannu weli diyaar ahayn.

Qodobada kale ee masuuliyiinta KULMIYE iyo Safiirku ka wadahadleen waxa ka mid ahaa wadahadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo horumarin laga sameeyo gobollada bari ee Somaliland, iyadoo la qiimaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka hirgashay iyo shirarka wadahadallada wax-wada-lahaanshaha iyo nabadda ah ee u socda shacabka deegaanadaasi iyo dawladoodda.

Dhankeeda Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Harriet Mathews oo ay wehelinaysay sarkaalka dhinaca siyaasadda u qaabilsan Safaaradda UK ee Itoobiya Lizzie Lovett, waxay ka mahadceliyeen soo dhawaynta iyo kulanka ay la yeesheen hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Harriet Mathews waxay soo dhawaysay dadaallada xisbal-xaakimka Somaliland iyo xukuumaddiisu wadaan iyo mowqifka cad ee rabitaankooda doorashooyinka oo ku dhaca waqtigooda.

Ugu dambeyn, Waxaa kaloo safiirku xustay in xukuumadda UK ay ka go’antahay sii wadidda taageerada hannaanka dimuqraadiyada Somaliland iyo horumarinta adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland